Olalihii Doorashada musharaxnimada madaxweynaha Soomaliya oo gashay in la daadiyo dhiiga dadka Mudug iyo galgaduud. dhegeyso

jim


Aan ku bilaabo maahmaah guuna oo Soomaaliyeed (Dibiga ina naasa adag iyo labada weer maxaa kulmiyey)?

Maxaa keenay mudo ka yar 48 saacadood in saddex aag uu ka biloowday dagaal dhiig fara badan ku daatay oo aad moodid in loogu talagalay in meel laga soo qabto la waayo nabada iyo wada deganaashahuna faraha ka baxdo sida hadda xaaladu tahay?

Waxaan shaki lahayn dadweynaha iyo waxgaradka labada gobol in ayyan arintaas lug ku lahayn ee loo soo safriyey dagaalkaas ayada oo dana gaar ah laga leeyahay,bal dhan kale ka eega waqtigu waa kaliil am waa hogo ninba sida uu u yaqaan,dhaqanka Soomaalida dadka wax kala galaan waxay dhihi jireen (Aan isu naq degno) oo micneheedu yahay wada hadal iyo dagaal midna tabar looma hayee roobku ha noo da,o.

Waxaa ayaan daro ah in ummadda Soomaaliyeed hoggaankeeda gacanta u gashay dad aan garan karin dhaqanka iyo nolasha dadka ama xataa cimilada Dalka aan garan Karin ee ay wax kasta kala weyn yihiin xilraadinta,xilkaas oo u baahan xirfad iyo qaab wanaagsan oo loo maareeyo ayyan talada ku jirin in dhiiga dadkii aad hoggaanka u ahayd micne la,aan loo daadiyo.

Ugu danbayn xiliga iyo waayaha adduunyadu mareyso maaha qarnigii jaahiliyada ee qabiilka iyo habarwacashada dadka waaweyn ee waxa arintaas u muuqada ku hadlaaya ha joojiyeen,anniga oo cambaraynaaya wax kasta qowl iyo ficil ah oo dhiiragelinaaya in dhiigu sii daato dagaaladuna sii socdaan.

Waxgaradka sida, culumada,aqoonyahanada,odayaasha dhanaka,haweenka iyo dhalinyarad Mudug iyo Galgaduud waxaan u sheegayaa in si gaara xilka saran yahay in ay u guntadaan joojinta dhiiga daadanaaya,dhammaan dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay yaan la daawan waxa ka dhacaaya Gobolada dhexe ee aan joojino dagaalka af iyo adinba.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.