XOG: Madaxweyne Guuleed oo khiyaanay,Beesha Sade.kana baxay,balamo horay loo galay.

Waxaa gabi ahaanba burburay wadahadaladii u dhaxeeyey Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Odayaasha beesha sade ee uu horkacayay,Ugaas Axmed Barre cali taakooy, Fashilka kulankani ayaa waxaa sababtiisa leh madaxweyne guuleed kadib markuu yiri beesha.sade hal kursi ayey ku leedahay aqalka sare halka beeshiisa ilaa sadex xubnood ay kahelayaan.

Ugaas taakooy iyo ergaduu hogaaminayay ayaa sheegay,in fashilka kulankani uu masuuliyadiisa qaadaayo madaxweyne guuledd kadib markuu hareer maray nidaamka awood qeybsiga iyo tan ugu daran oo ah inuu balamihii lagu balansanaa oo idil uu kabaxay.

Guuleed ayaa dhiniciisa ku adkeysanaya in hal kursi oo kaliya ay beesha sade kahesho aqalka sare xilli beeshu ay ku xisaabtameysay, in kuraas ilaa sadex ah ay kahelaan aqalka sare ama ugu yaraan labo.

Maamulka aan wali cadaado dhaafin ee Galmudug ayaa abuuritaanka mucaaradadan uu Beesha sade ka abuurtay waxay, ku noqoneysaa middi uus ku tagtay tiiyoo la ogyahay in horay beel kamid ah beesha uu isagu kazoo jeedo in at mucaaradsaneyd.

Galmudug Hogaankeeda ayaa ku sifoobay balan kabax taasi oo keenta in qolaba maalin ay ka hortimaado maamulkaasi.

wixii kusoo kordha khilaafkani kala soco GEDO TIMES insha allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.