Qurba Joogta USA Oo Baaq nabadeed U Diray Oo Cabudwaaq

Qurba Joogta USA Oo Baaq nabadeed U Diray Oo Cabudwaaq
Waxaa shalay oo bisha oktoobar 1 ahayd ka dhacay shir ay isugu yimaadeen qurbajoogta USA ee ka soo jeeda waqooyiga Galgaduud magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, shirkaas aya waxaa lagu qaadaa dhigay dhibaatooyinka aaamaan daro ee ka taagan Degmada Cabudwaaq. Shirkaas oo ay isugu yimaadeen wafdiyo kale duwan oo ka socday Minnesota, Ohio, Kansas, Wisconsin iyo gobolo kale oo mareykanka ka tirsan ayaa waxay isugu jireen haween, odayaal, dhalinyaro iyo aqoonyahano danaynaya nabadda iyo horumarka magaalad Cabudwaaq. Shirkaas waxaa ka soo baxay baaq nabadeed oo ku aadan in la joojiyo dhiiga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya magaalada Cabudwaaq.
Shirkaas waxaa kaloo ka soo baxay qodobadan
In lagu dadaalo nabada magaalada Cabudwaaq
In meel looga soo wadajeesto dadka dhabqinaya nabadda iyo horumarka Cabudwaaq,
In loogu baaqo jago raadiyayaasha reer Cabudwaaq inayan nabada wax u dhimin.
In loogu baaqo dadweynaha reer Cabudwaaq inay ka qaybqaataan horumarka dhan kasta leh ee ka socda Soomaaliya.
In dadaalka Qurba joogta ee xagga nabadynta iyo horumarinta Cabudwaaq la sii kordhiyo
In Odayaasha, Maamulada iyo ururada kala duwan si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda Cabudwaaq.
Waxaa shirkaas ku soo gabagaboobay Minneapolis dadkii ka soo qayb galay ay aad u booriyeen in nabadda iyo horumarinta Cabudwaaq si wadajir ah looga sheeqeeyo, ayadoo qurbajoogtu ay wax ka horseedi doonaan sida nabadda iyo horumarka loo xoojiyo.

shircaabudwaaq shircw

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.