Dalka ninkii Badbaadin lahaa Dabin baa u Yaala. By Jimcaale

jim

Burburkii i991kii iskama imaan waxaa ka denbeeyey shisheeye iyo dhuuniraacayaal ayaga u adeegaayey.Markii dawladii dhexe ay meesha ka baxday,shisheeyihii Dalka burburiyey oo caloolshood u shaqeystayaalka adeegsaday, waxaa ku soo biiray kuwo aan awal damac kalahayn Soomaaliya ,laakiin baylahda arkay,oo laba ujeedo lahaa kuwo mashruuc dhaqaale ka soo galo dalkayaga ka dhigtay oo aan doonayn in mashruucaas ka dhamaado iyo kuwo qaniima soo doontay ee iska gurta khayraadka dalkayaga.

Cadawgii horey noo burburiyey iyo kuwii arimaha dhaqaalaha noogu soo duuley kadib ,waxay yeesheen dano isku mid ah oo heshiis ka dhigay, waxayna ka siman yihiin in ayyan Soomaaliya ka dhalan dawlad xoog leh oo dalkeeda maamulan karta,si taasi u siijirto waxay xoogga saaraan laba arimood oo kala ah in aan Dalka Soomaaliya yeelan cudud ciidan milateri oo Dalka xuduudihiisa ilaalin kara iyo waliba ciidan ammaan oo xasilin kara nabadgelyada gudha,sida boolis iyo nabadsugid tayo leh,ayyada oo laga tusaale qaadanaayo in aynu mudo kooban oo aad u yar Afrika ama dunida sadexaad ciidankii xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamadii amaanka ee booliska iyo nabadsugida ka saramareen kuwii gobanimada nooga horeeyey,waxay og yihiin Haddii madax tayo leh oo wadaniyiin hoggaanka qabsadaan in mud yar aan sidayadii ku soo laabanayno ,danahooda gaarka ah iyo damacoodu halkaas ku guraayo.

Haddaba si ay danahooda ku gaaraan kala duwan oo qaarkood damacoodu yahay in ay dalkaba qaataan waxay adeegsanayaan dhuuniraacyadii awalba halkaas na dhigay wixii ka haray iyo kuwo ka sii xun oo ay naga dhexsamastaan,waxaana il gaara lagu hayaa oo xukunka laga ilaalinayaa nin kasta oo laga dareemo dareen wadaniyadeed ee ay ku jirto in dalkaan cadawga u heshiiyey ka badbaadiyo.

Madaxda hadda waqtigu ka dhamaaday iyo kuwii ayaga ka horeeyey oo soon rogaal celiyey in ay mar kale Dalka hoggaankiisa qabsadaan,oo barnaamijdyada ay soo bandhigeen ay ka muuqatay in afarta sano oo ay xukunka rabaan in ay hayaan,in ay ciidamada Amisom u sii joogi doonaan,arinkaas oo aan dhegaha dadka Soomaaliyeed u wanaagsaneyn niyadjabna ku riday ,wxaynn c addayn u tahay in ay doonayaan in ay heshiis kula yihiin shisheeyeha danaha gaarka ah oo aan kor ku xusay ka leh Soomaaliya.

Haddaba si arintaas ay u hirgasho waxaa warbaahinta kala duwan baahineysaa qaar ka mid ah dawladaha danaha kale Soomaaliya in ay saraakiil sar sare u soo direen Soomaaliya ,kuwaas oo hadda ku sugan Vila Soomaaliya,madaxda waqtigu ka dhamaadayna ka wada shaqaynayaan in musharaxiinta dareenka wadaniyadaa laga dareemo laga ilaaliyo in ay ku guuleystaan madaxtinimada Soomaaliya.

Ugu danbayn waxaan u sheegayaa Soomaalida in aad cagahiina ku istaagtaan idiima ogola cadawga iyo kuwii awalba na burburiyey wixii ka haray iyo kuwo kasii xun oo nala ka dhexsamaystay oo damiir laawayaal jeebkooda kaliya ka fakara,sidaas awgeed rajadiina gacantiina bay ku jirtaa xaajaduna waxay mareysaa(lax walba halka ay is dhigto baa lagu qalaa)

cabdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.