Dhaliil kasta oo la sheego ee dawlada ah waxay dhabarka u saran tahay Xassan Shiikh By Jimcaale

jim

Dhaliil kasta oo la sheego ee dawlada ah waxay dhabarka u saran tahay Xassan Shiikh Maxamuud Madaxweynahii Xilku ka Dhammmaday.
Maanta waa 27/09/2016,qayladhaan badan baa ku soo baxday baraha wararka laysku dhaafsado,taas oo ka soo baxaysay mawaadiniin Soomaali ah,dhamaantood waxay ka digayeen in dalkaani faraha ka sii baxayo Haddii uusan badbaadin ka helin shacbigiisa iska leh oo aad moodid qataraha ku socda oo dhaxal wareejinta ah in ayba ka hordaan,wax lagu mashquulsan yahay oo dareenka ummadda Soomaaliyeed dilay waan garan la,ahay marka laga reebo sarqaanka qabyaalada oo suuxisay 1991kii.

Ugu horeyn aan soo qaato Isbahaysiga Xiisbiyada oo shir ay yeesheen ku sheegay in gudiga doorashada dadban ay yihiin kuwo aan loo dhamayn,oo ku shaqayenaaya maxkaxda madaxweynihii xilku ka dhamaaday iyo maskax shisheeye oo ka danbaysa ,doorashadana lugjiid ku haya,ayada oo ay sabab u tahay isbedelka faraha badan oo hadba lagu sameynaayo jadwalka doorashada,ayyada aysan muuqan sabab keeni karta dibudhacyada faraha badan,marka laga reebo dana gaar ah ee Madaxweynahii xilku ka dhamaaday iyo cadaw shisheeye oo doonaaya in ay dawlada imaaneysa danahooda ka dhex arkaan.
Musharax Cali Xaaji Warsame isna ka hadlay isla doorashada iyo gudiga wuxuu hogatusaaliyey in dib u dhacyada faraha badan ee doorashada ,amarada laga bixiyey garoonka,culeyska la duldhigay musharaxiinta iyo caburinta saxaafada ay tahay in aan doorasho xalaal ah dhicin ,wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax Xassan iyo shisheeye dan u ah,Dalka iyo dadkana dhibaato u keeni doona.
Waxa ayadana soo qaadasho mudan sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida Soomaalida,magaciisana ku sheegay MAXAMED Yabaroow Siyaad oo warbixn iyo xog muhiim ah bixiyey in masuuliin iskugu jira xildhibaano iyo generaalada ciiddamada qaarkood ama inta badan ay u shaqeeyaan sirdoonka dawlado shisheeye oo ay ka mid yihiin kuwa deriska ah qaarkood,an siweydiinee hadday run tahay waaba u egtahaye xaggee uga harayaa kii magacaabay oo haddana ku fiirsanaaya asaga oo og.

Talaobixin
(Korwaayeel waa wada indho) waa maahmaah soomaaliya ka digaysa yaan la dhayalsan dhib kugu soo socda shalay danbe waxba tarimaayee.Mid kalana waxay dhahda (Cidi uma maqna ceelna uma qodna) waa murti lagu tusaaleeyo xoolo aan rag xanaaneysta lahayn ceel horay loogu qoday oo ay kun soo hiranaayaana jirin,hadde dal wax daafacda waayey iyo shacbi ilaashanaya sow la mid maaha,ama xisbiya sheegta ama saraakiil sheegta arintu hadal waa dhaaftay waxayna mareysaa( yacyay soo dhaaftay ee geeska qabo)haddaan lays yeelyeelayn waxay maanta Soomaaliya mareysaa badbaadin nafhurid ah(salvation scarifies) ,dad badan baa u dhintay in ay dhiigooda u huraan ayaga oo illaahay horti uga danlahaa in ay dhaxal nooga tagaan,Rabiyoow u wada naxariiso,abaalkii ay noo galeena u gud,sidaas awgeed inta maanta xilka isku hardiyey waxaan leeyahay ha noqonina labadii loogu maahmaahay(labada haraga isku haysata Hooyadood waa sida gacantaas)Hantida eebbe idin siiyey intii cadaw inta qaato idin ku gumeysan lahaa dhimasho ogolaada,dadkana dareen geliya,gobolada taga ninba meesha uu tagi karo banaanbaxyana ka abaabula, odayada tusa in ayyan gacmahooda xabaal Soomaaliya ugu qodin,Haddii kale kani ku daaye hayska dhigina kuwo dhiig ku jiro oo basaasiinta dhaama.
WABILAAHI TOWFIIQ.Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.