DEGDEG: Nin Aano,Qabiil loo dilay oo Goordhaw Caabudwaaq lagu dilay,

deg

Waxaa goordhaweyd oo caawa ah Degmada Caabudwaaq lagu dilay nin Shakhsigani oo loo dilay sida wararku sheegayaan aanadii dhawaan ragii lagu laayay Tuulo u dhaxeysa Caabudwaaq iyo cadaado ayaa goordhaw lagu dilay suuqa ariga ee Degmada Caabudwaaq.

Goobjoogayaal ayaa Gedo Times u sheegay durba ninka ladilay uu geeriyooday dableydii dishayne ay goobta ka baxsadeen iyadoo aan la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Arimahane waxa ay imaanayaan xilli degmadaasi ay maanta gaareen wafdi balaaran oo uu horkacayay Ugaaska Beesha ee Waqooyiga Galgaduud ugaas Axmed barre cali taakooy kuwaas oo waayadii dambe ku sugnaa Muqdisho, lamana oga waxa ay kabadali karaan xaaladaha cakiran ee Degmada Ka taagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.