War Deg Deg ah:-Doorashada Soomaaliya oo mar kale Dib u dhacday

deg

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdulle Cumar Dhageey oo Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Doorshada Soomaaliya ay Dib u dhacday.
Guddoomiye Cumar Dhageey ayaa sheegay in ay soo saareen Jadwal Cusub oo dhanka Doorshooyinka ah,maadaama kii hore uu Dib u dhac ku yimid.
Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay dhici doonto ugu dambeyn 5-ta Bisha October,Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya waxaa Guddigu uu u asteeyay in ay dhacdo 23-ka Bisha October ilaa 10-ka November , Doorshada Guddoonka Labada Aqal waxaa iyana loo qorsheeyay 23-ka November.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Guddigu uu shaaciyay in ay dhici doonto 30-ka November.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Doorashadu aysan ka dib dhaceyn xilligii horay loogu Heshiiyay ee ahaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne 30-ka October.
Jadwalkaan Cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ay soo saareen lama oga Musharaxiinta Xilka Madaxweyne iyo Xisbiyada Mucaaradka waxa ay ka dhihi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.