Jahawareerka Siyaasada ee Mudane Xassan Shiikh Maxamuud(The Political Confusion of Mr. Xassan)

jim

Todobaadyadii la soo dhaafay JFS waxay ka hadashay heshiiskii Dawlada Imaaraadka Carabta iyo maamulka Soomaaliland kala saxiixdeen,kuna saabsanaa Dekada Berbera,ayyada oo ku tilmaantay heshiis sharci daro ah dawlada Imaaraadka carabtana ama dawlada kale ayyana la gali Karin maamulada Dalka ka jira heshiis noocaas ah,ayyada oo maamulka Soomaalilaand si carol eh uga soo jawabay laakiin qof kasta oo wadaniyad iyo qadiyyada Soomaalinimadu ku jirto aad iyo aad buu soo dhaweeyey in dawladu baahiso bayaan noocaas ah in uusan sharci ahayn dawlad kasta oo timaadana ayyan aqoosan doonin,maaddaama burburka Dalka dawlado badan khayraadka bililiqaastaan beriga iyo badda in la qaatana la haweystay.
Haddaba baraha waraka lagu faafiyo (websites) waxaa lagu faafiyey warqado isfasiraaya oo afaf kala duwan lagu qoray oo Dawlada Imaaraadka Carabta laga raaligelinaayo arintaas,kana soo baxday Madaxweynaha Xilku ka dhamaaday 10/09/2016 Mudane Xassan Shiikh Maxamuud.
Arinta badda oo kaalin mug leh uu ka qaatay soo nooleynta muranka taagan,Hantidii maguurtada ahayd ee qaranka nooc kasta ahaatee oo ay u denbeysay Xaruntii Wasaaradda Kaluumeysiga halka uu mariyey,ayyaa qoraalkaana uu fududeynayo in dawladaha Shisheeyaha ee damaca waalan kaga jiro Soomaaliyada tabardareysay in maamulada jiraa la galaan heshiis la mid ah kan Soomaalilaand,sidaas awgeedna Dalka oo dhan baa halis ku jira.
Ugu denbayn laba maalmood ka hor Mudane Xassan Shiikh wuxuu siyaasiyiinta wuxuu ka codsanaayey iyo dadweynaha in aan dadka loo abaabulin kacdoon dadweyne oo la mid ah kii 1991kii.Ma wuxuu u weelbanaysanaayey in Dekada Berbere uu Imaraadka u xalaaleeyo? Waxaa qoraalka ku jirey Haddii aan ku soo laabto xukunka Xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya waan sii weyneynayaa.Soomaaliyee arintaas maxaan ku macnaynaa?Marhaddaan ognahay in aan annaga iyo imaaraadka Carabta waligeen xiriir soo jireena oo aad u fiican lahayn shakina muuqan in uun xumaanaayo maxaa Xassan ka keenay? Ma bayaankii dawlada ee dhawaa kuna saabsanaa dekeda Berbera baa xanibay dana gaar ah oo uu ka sugaayey Imaaraadka.Ugu danbayntii Xassan Shiikh Maxamuud haddaw olalahiisa ku darsaday in uu Xiriirka Imaraadka sii wanaajin doono ma dawlada iyo shacbiga Imaraadka buu ka rabaa in ay mar kale soo doortaan mise Dawlada iyo Shacbiga Soomaaliya buu doorasho ka rabaa?Jawaabaha ayyada oo si fudud loo garan karo waxaan u daayey dadka Soomaalida ah.
Waxaana uga baxayaa nin aan amaano dhawreyn oo wixii hanti ummadda ka dhexeeyey meesha uu mariyey aad wada ogtihiin,wixii uu shalay ku hadlayna maanta beeninaaya oo aan go,aan qaadasho lahayn qarankiina ha ku aaminina.Wabilaahi Towfiiq/Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.