Difaacida dulka ,badda iyo hawada Qaranka Soomaaliya iyo qabyaalada qaawan By Jimcaale

jim

Difaacida dulka ,badda iyo hawada Qaranka Soomaaliya iyo qabyaalada qaawan ee aan xishoodka la hahayn meel ma wad gali karaan.?
Adduunka maanta waxaa qofkasta oo xil ama shaqa doon uu ku helaa ama ku waayaa raadraaca taariikheed ee uu leeyahay (CV) waxa loo yaqaan,waa sida ay ilbaxnimadu tahay ee tartanka xil iyo shaqadoonka loogu kala guuleysto,luguna kala xusho tartamayaasha.Dalalka ilbaxnimadu ku yartahay waxaa caado u ah in tartanka ilbaxnimo ee aan sare ku sifeeyey loo adeegsado qabyaalad iyo laaluush (corruption) ,Arintaas waxay sahal ka dhigtay nin danbiile ah oo mudan in maxkamad la soo taago oo qaranka ka galay denbi aad iyo aad u culus in uu ku dhiirado lacag iyo qabiil baad madax ku noqon kartaa ee ku raadso,ilayn wax la xisaabtama iyo sharci wixii uu horay u galay ku daba socda muu arkee.
Aan dulucda u dhaadhaco badda Soomaaliya ee laysku haysto ragii muranka gelyey ee aan ku macnayn karno in la dhaafsaday dana gaar ahaaneed in maanta intoodii badnayd ayaga oo wax la xisaabtama waayeen qaarkood xilal sare noo hayaan ,kuwa kalana ayaga oo markii ay masuuliyada hayeen gaboodfalkaas ka galay soo rogaalceliyeen in ay hoggaanka Dalka mar kale qabtaan ,taas oo iila muuqata in ay doonayaan hagardaamo labaad in ay qaranka u geeystaan ayyaga oo shisheeye u adeegaaya sidii ay horay yeeleen.
Daka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay qabyaalada iska daayaan oo in ay denbiile durbaan u tumaan,oo u ololeeyaan si uu xil u helo mar kale, asaga oo dhaxalka caruurtooda duulaan ku ah.Bal ila eega raga durbaanada loo garaacaayo ee sababay in Keenya badeena u hawooto ee kala ah ;-
-Shiikh Shariif Sh.Amed.
-Xassan Shiikh Maxamuud.
-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake
-Cabdiraxmaan Cabdishakuur
-Cabdisalaan Cumar Hadliye.
Soomaaliyee waxaa idin la gudboon in aad banaanbax Soomaalinimo iyo wadaninimo oo boorar waaweyn oo wajiyadooda isku tilaab casaana saartaan ku banaanbaxdaan caasimada ilaa tuulo.Halku dheguna ha ahaado raggaan badeena iibsaday ha la maxkamadeeyo ,wadankana boos kuma laha.(Dab aan kulaylkiisa la arag dambaskiisa lagama baqo),haddaad ka aamustaan waajibaadkiina oo aad shacuurtiina muujin weydaan,ogaada Dalka oo dhan baa la gadan oo farahiina ka bixi doona,markaasna qabyaaladu meel na geynmayso oo caruurteena baan cayrtaynay.Bal eega dawlada Keenya baa saxiixoodii maxkamada la hortaagan ayyaguna ,dhexdayada bay olole doorasho ka wadaan ayaga oo leh taako ama mitir dalkayaga ah ma ogolaaneyno,Soomaaliyee arintaas ma isdaboolaysaa ama ma isqaban kartaa?Ugu danbayn kala qaybsanaanta iyo calamada kala duwan oo naloo sameeyey waa barnaamij shisheeye wato oo dhulkayaga in lagu qaato loogu talagalay,ma garan weydeen in arintu tahay qaybi oo xukun,hadday dhab idinka tahay in aad qarankaan quruxda iyo khayraadka badan daafacataan oo aad caruurtiina dhaxal u reebtaan diida federaalka iyo xuduudo laydinku mashquuliyo inta laydinka muraad sanaayo ,dalkana la qaadanaayo.
W.Q Cabdulahi Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.