Dhageyso Radi Daljir:fadeexadii Madaxda Sarre ee somaliya iyo Britain dhexmartey

Tan iyo Wixii ka dambeeyay Xilligii Madaxwaynaha Waqtigiisa uu dhamaaday ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu Gudaha Safaadaradda Briten ay ku leedahay Muqdisho kulan heerkeesa uu Hooseeyay ha yeeshee lagu sheegay Kulan Heer uu sareeyo kula qaatay Waziiru-Dowlada ka tirsan Dowladda Birein waxaa soconayay Dacwad ka dhan ah Wasiiru-Dowlahaasi.

Dacwadaan oo loo gudbiyay Xafiisyo dhowr ah oo ku yaal Dalka Ingiriiska isla markaana ay diyaareen Aqoonyahano Somaliyeed oo Bah-dilaad iyo Gaf u arkay in Masulkii ugu Sareeyay Dalka uu Safaarad yar kula kulmay Wasiirud-dowle heekiisa uu Hooseeyo ayaa waxaa hadda Dacwadaasi kasoo baxaya Natiijooyin Hor-Dhac ah.

Xiriiro Radio Daljir ay la sameysay Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe” oo ka mid ah Aqoonyahanada Gudbiyay Dacwadaan ayaa Sheegay in ay aad uga caroodeen Qaabka Kulankaasi uu udhacay isla markaana Rajada ay ka qabaan Guusha Dacwadaasi ay hadda Mid Wanaagsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.