Xassan Shiikh Maxamuud waxaa Iskaga qaldan Shaqsiyadiisa iyo Sharafta qaranka By Jimcaale.

jim

Waxaan daawaday shirkii ama xafladii EX Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud ku qabtay Xamar 15/09/16,asaga oo ula jeeday xayeysiin olalahiisa in dib loo doorto,wuxuu ahaa hadal badan oo aan murti badan lahayn, laakiin inta xogogaalka ah ugu muuday indha adayg iyo xaalada dhabta ah ee maanta dalkayagu ku sugan yahay oo uu si cad uga beensheegaayo,amaan,isbadel ,tartan xor ah,horumar iyo dimoqaraadhiyad lagaaray buu aad ugu dheeraaday,kuna faanay in uu asagu keenay,anaga oo wada og dhammaan arimahaan uu dhan ;-
-Kiiskii bada oo xirnaa oo dhagarqabayaashu halistii ay geliyeen laga badbaadiyey in uu QM warqad u qoray oo asagu furay in badayada muran lageliyo oo Keenya lagala xaajoodo.Maxaa ku kalifay Soomaaliyee?
-Dacwadii la geeyey maxkamada adduunka oo Keenya jawaab u weday maxaa keenay in la xagaldaaciyo oo Keenya haddana loo saxiixo dacwada ha la joojiyo wada hadal siyaasadeed baan ku dhamaysanaynaaye?

-Maxaa keenay in Xildhibaan Idiriis ragii dilay ee xildhibaan Cabdalla Boos dhaawacay oo ilaalada madaxtooyada ka tirsanaa aan ilaa hadda wax tilaaba ah laga qaadin?
-Dadka midka ah oo isku meesha u jeeda ee Ex Madaxweyne Xassan uu dadka hortooda ka sheegay ma federaalka qabyaaladeysan iyo maleeshiya beeleedka la xoojiyey oo gobolada kala joogaa, kana amarqaata cadawga Dalka iyo dalalka deriska ah,ma midnimo lagu faano baa?

-ma waxaan qaadan karnaa askarigii dhaawacay Wariye Cabdicasiis Afrika maalin ka hor maalin labaadii in uu EX Madaxweyne Xassan uu daba socday oo waardiye ka ahaa dimoqaraadhiyadu ma saas baa?
-Haybada iyo hab maamuuska madaxweynahu ma in agaasime guud ,wax la mid ah ama ka hooseeya ama wasiir dhigiisii Dalka joogo garoonka Aden Cadde loo istaago oo Madaxweyne soo dhaweeyaa?
-Ma waxaan qaadan karnaa safiir xafiiskiisa fadhiya in uu wadaxweynahayag iyo ra,iisuwasarahayaga inta wada jir ugu yeerto xafiiskiisa ku qaabilo?

Ugu danbayntii EX Madaxweyne Xassan wuxuu Tvyada ka sii daayey xayeysiis igu doorta leeyahay,oo u ekaa in kursigu wax qurxoon oo joogistiisa lagu faano yahay ,nama tusin haba yaraatee wax yar oo wax qabad ah,bal Haddii aan been sheegaayo ila daawaday barnaamijdka ololaha Ex Madaxweyne Xassan oo uu ku soo gunaanaday Haddii aad dib ii doorataan Dalka waxaan gaarsiin meel uusan ka soo laaban.Dhaliisha iyo khldaadka waxgaradka iyo siyaasiyiinta oo wax ha la toosiyo ah Xassan wuxuu u bedelay in qaranka karaamadiisa iyo sharaftiisa na damqayso oo aan meel kadhaciisa Dalka lagu soo bandhigo in qaranka la ceebeeyey . (Hawraarey nin ku yiri nina si kuu qaaday)Meesha Xassan Shiikh noo wado oo aanaan ka soo noqonayn waa Magaca Soomaaliya oo khariirada adduunka laga waayo oo cadawgeenu qaato ee Soomaaliyee baraaruga oo toosa.
W/Q Cabdullaahi JImcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.