Daawo: Baddii Soomaliya oo Faraha ka baxday By Jimcaale

jim

Axmed Cali kaariye oo ah garyaqaan Soomaali ah ayaa ka hadlay xaalada bada Soomaaliya ee muranka ay galisay Kenya, sida uu wax u sharaxay, damaca Keenya wuxuu galay waayadii shirarka loogu qabanaayey Soomalida gudaha Keenya oo ay arkeen taya xumada dadka Soomaliya horboodaaya,in ay yihiin kuwo dhan kasta u jilicsan oo aad u liita.
si kastaba aaha ahaatee waayadii Shariif Shiikh Axmed iyo Cumar cabdirashiid bay Keenya la Soo shaacbaxday in ay sheegato qaybo ka mid ah bada Soomaaliya,kadib markii ay isla gaareen masuuliintaas iyo dawlada Keenya wax ay ku tilmaameen heshiis isfagarad in laga wada hadlo in ay keenya durugsan karto biyo badeedkeeda.

Arintaas waxaa ku baraarugay shacbiga Soomaalida oo ka dhiidhiyey cadaadis xoglehna ku saaray dawlada in ay deg deg uga noqoto ,taas oo sababtay in baarlamaankii ku meelgaarga ahaa wuu go,aan ka soo saaro in heshiiskaasu yahay wax kama jiraan,kadiba resumasaarihii markaas ee ahaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqad u qoray qaramada midoobay in aan heshiiskaas lagu dhaqmi Karin,qaramada midoobay way laashay ayada oo ku tilmaantay heshiiskaas wax kama jiraan.

Mar kale keenya waxaa u suuroobay in ay ka heshay Xassan Shiikh Maxamuud in uu warqad u qoro ,qaramada middobayna oo ku dhaho waa laga wada hadli karaa xuduudbadeedka Soomaliya iyo keenya,cara labaad baa ka timid shacbiga Soomaaliya waxaana lagu cadaadiyey dawlada Xassan Shiikh in ay arintaas dacwada ka gudbiso,dacwadaas oo soomaaliya u gudbisay maxkamada adduunka bishii saddexaad 2014,ayada oo Keenya mudo loo qabtay ay ku soo gudbiso dacwadeeda,.Keenya weydiiday dacwad in laga furo maxkamada ,waxayna ku andacootay wada hadal siyaasadeed baa noo socda annaga iyo Soomaaliya,sidaas darteed dacwadayada oo wada fiican haysata,waxaa heshiis wada gaaray labada wasiir dibadeed ee Keenaya iyo Sooaamliya ayaa heshiis wada gaaray ay qodabadiisa ka mid ahayd in wada xaajood lagu dhameeyo arinta muranka labada dal.

Mar kale taariikhdu markii ay ahayd bishii afraad 2016 Resulwasaare Cumar Cabdirashiid Urhuru Kenyaataha Keenya ayaa warqad ka saxiixay in la soo nooleeyo Gudigii wadaxaajoodka labada dal ee muranka xuduuda badda.
Arintaas waxaa qayb ka qaatay inta aan garanaayo raga hoos ku qoran;-

-Shiikh Shariif Shiikh Axmed
-Xassan Shiikh Maxamuud
-Cumar Cabdirashiid Cali.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur .
Cabdisalaan Cumar Hadliyeb.
Ragaan dhamaantood waxay yihiin musharash madaxweynaha mustaqbalka mid mooyaane, waana rag mudan in Xeerilaaliya Guud ee qaraanku ku soo oogo danbiilayaal qaa,inu wadaniyiin ah(criminals against flag)maadaama uu jirin garyaqaankii guud ee qaranka Soomaaliyeed waxaa xilkaas saran yahay xeerilaaliyaha.Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in meel kasta oo ay joogaan ka mudaharaadaan,kuna cadaadiyaan sharciga in ragaan maxkamad la horkeeno masuuliyad ay qaranka ka qabtaana laga dheereeyo ,Haddii kale qaranka Soomaaliya adduunyada maabkeed keeda waa ka baxayaa ayyada oo lagu doorsaday nacfi yar,waayo mar kasta oo guushu dhankeena u soo dhawaato maxaa ku kalifaayey in ay xagal daaciyaan dacwadayada sow ma muuqato daneysi gaar ahaaneed(personal interest),waxaa la mid ah gudifaaca qaranka ee baarlamaanka Haddii ayyan shacbiga ka qancin arintaan oo ayyan tilaabo qaadin. dhegayso Garyaqaan Amxmed cali Kaariye.
wabilaahi tawfiiq/Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.