Jaaliyada Leicester Uk oo Baaq Nabadeed iyo Tacsi u diray Shacabka Caabudwaaq

nabadey

Anigoo ku hadlaaya magaca Jaaliyada Somaliyeed ee Leicester Uk, waxaan ugu horayn halkaan uga tacsiyeyneynaa guud ahaan bulshaweynta reer Galgaduud,anagoo ka tii’raan-yeysan geeridii ama dilkii shalay ka dhacdey degmada Caabudwaaq, kaas oo ay ku geeriyoodeen, Nabadoon Faarax Aadan Dhooleey iyo nabadoon Maxamed Barre Diini, waxaana Eebe uga baryeynaa inuu u dambi dhaafo samir iyo Imaanna ka siiyo qoysaskii iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen labada Murxuum.
Waxaan kaloo ilaahay uga baryeynaa in uu u booga dhayo intii ku dhaawacantey falkaas foosha-xun,ee shalay ka dhacdey degmada Caabudwaaq.hadaba codsi iyo talo soo jeedin,

Waxaan ka codsanaynaa dhammaan wax-garadka dagaanka Galgaduud iyo Mudug,sida Cuqaasha, Culima Aw-diinka, iyo dhalinyarada,ganacsatada,Ururada haweenka,saraakiisha ciidamada,ee ku nool woqooyiga Galguduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda inay ka hortagaan wax walba oo colaad keeni kara, waxaanan ugu baaqaynaa inay xoogga saaran sidii ay xaalada u dajin, lahaayeen,waana in si deg deg ah qoriga dhulka loo dhigo,waana in loo deg dego dhanka wada hadalka iyo waan waanta,waana in carada la xakameeyo,lagana hortago fal-shaydaanka marar-badan soo noq-noqdey, kana hortaga ineysan arintu gacantiina kabixin,fadlan fadlan halaga hor-tago, ineysan dhicin wixii shalay dhacay iyo wax lamid ah,walaalayaal,awoowe-yaal,
Waxaan leenahay nabad ayaa naas la nuugo leh xabadna kuma dha’shaan wiilal,ee wiil baa ku dhinta ee kashaqeeya xa’silinta iyo nabada iyo aayo ka talinta,wiilasha maantey nool Mustaqbalkooda.
Wabillahi Towfiiq ,Jaaliyada Somaliyeed,ee Leicester Uk

Abdirizak Mohamed Tahlil,
E-mail: tahlilabdirizak@gmail.com
Leicester Uk,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.