Abaaraha Gobolka Gedo Sidee looga Hortagi Karaa By Cali sh aadan

Abaarta waa biyo yaraanta ku dhacda dhul ama roobkii la filaayey oo la waayey,taasoo dhaxalsiisay beeraleeyda iyo xoolo dhaqatadii gobalka ineey ka rajo dhigaan biyihii ay wax ku beeran lahaayeen ama biyihii iyo baadkii ay xooluhu cabbi ama cuni lahaayeen.

Abaaruhu waa arin rabigeena ku xiran,waana waxyaabaha dadka lagu aafeeyo,balse waxay ku timaadaa sababo badan oo is-biirsadey,waxaana ka mid ah ;

Nabadgelyo la,aan ama xasilooni darro ka dhacda wadan sidoo kalana Maamul xumo iyo agaasin la’aan ku timaada habkii iyo qaabkii loo maareeyn lahaa siyaasada horumarineed ee biyaha,deegaanka,iyo xaalufin ku timaada dhirta,iyo nabadguur ku dhaca dhulka.

Abaaruhu waxay ku yimaadaan dhowr waxyaabood oo kala ah:

Mid ay keenaan bini-aadamku (human induced disaster), Kuwo dabiici ama rabaani ah (natural disaster). Tan uu qofku sababta u noqdo waa tan ugu mushkilada badan oo xalkeeduna noqdo mid ay dhaxlaan dhalaankoodu ,haddii aan wax laga qaban Dhibaatada abaareed ee GOBALKA GEDO waa mid ka soo bilaabatey habka maamul xumo ee ka jirtey GOBALKA Nabadgelyo la’aan ka dhacdey

baaxada abaaraha ee gobalka gedo .

Ayadoo inta badan Gobollada Dalkeenna ay Nolosha Dadka iyo Duunyada si guud Saameyn ugu yeesheen ayaa hadana waxaa marba marka kasii dambeysa isasoo taraya Saamaynta horta leh ee ay Abaaruhu yeelanayaan Gobolka Gedo ee dhaca koonfur galbeed Dalkeena oo dadka ku nool Noloshoodu ay ku tiirsan tahay falashada Beeraha iyo Xoollo dhaqashada ayaa waxaa si,aad ah usii kordhaya Saamaynta Nololeed ee ay Abaaruhu ku yeesheen ayadoo ay dad badanna Abaarta darteed uga hayaameen guryahoodii.

meelaha abaaraha aadka usaameeyen waxaa kamid ah (garileey, faafax-dhuun iyo tuulooyin badan oo gobalka kamid ah) Dhankaste Markaad ka dhugatid Xaalada Nololeed ee G/Gedo Waa Mid aad u hoosayso.

sidee looga horti karaa abaraha soo noqnoqdey

maadaama eey gobalka soo mareen abaaro ba,an waxaan isleeyahay waa looga bixi karaa sidaan biyihii roobka ee da’ay waa in la kaydsado ama la joojiyo oo meel lagu shubto( rainwater harvesting),si loo isticaalo xiliyada abaarta .

sidoo kale waa in la ururiyo macluumaad ku saabsan biyaha la isticmaalayo iyo dadka meesha ku nool qiyaastooda, tiro inteey le’eg yihiin ,si loo ogaado dadku biyaha ay haystaan iyo inta ku filan xiligaas. Hagaajinta biyo xireeno yaryar.

Nabadguurka ku dhaca dhul daaqsimeedkii oo lala socdo.

In la sameeyo aqoonyahano cilmi u leh abaaraha iyo xaalufka dhulkaba si ay u soo diyaariyaan daraasadyo sheegaya habkii iyo xeeladii wax looga qaban karo.

in lasameeyo gurmad dal iyo dibadbo oon lasugin dowlad iyo maamul balse shacabdka dhaxdiisa isu gurmado .

ugudanbeyn Xaalada abaaruhu waxay ahaanayaan kuwo joogta ah,hadii aan looga hortegin hab diyaarsan oo leh barnaamijkiisa,kaasoo ay soo diyaariyeen dad aqoon u leh arimahaan wax laga qabanayo sidii loo wajihi lahaa.

Abaaraha mar kasta gobalka ka jira waxay u baahan yihiin xal lagu yareeyo,waa in bulshadu sameeysaa sanduuq dhaqaale abaareed, si looga hortago kumanaan duunyo iyo dad oo la il-daran hada ,hadeeysan cunto iyo nafaqo lagu badbaadiyo helin.

w\q cali sheikh aadan yuusuf (cali somali.)

calisomali400@gmail.com

2 Comments

  1. Waad mahadsantihiin walallaha. Faadumo raxmo Iyo cabdideeqba.
    Waxaan fekerkayga ku koobi lahaa hawl abaabulan baa socotaa jirta oo meel fiican maraysa oo sida walaashay faadumo dheegtay alraxmma waddo
    Waana markii ugu horeysey oo mu.asasad Sade leeyahay ey Xaalada biyaha Iyo waxbarashadaba u istaagto
    Marka feker Iyo maxaa la yeelaa wey dhaaftay arrintu walaalayaal ficil bay mareysaa wayna docotaa oo labadII meelood oo ugu oonka badanaa (warguduudo Iyo yaaqle )waataas ilaahay baa kumahadsane riigga laga taagay ee haleys garabtaago oo khayrkaas Iyo horumarkåas halaga qaybqaato

  2. Waxaan Walaalaha usheegilahaa oo kaloo in fursadaan alraxma oo waxbarashadaba Iyo biyaha Iyo weliba agoomaha eysan beesha degta gobolka horey u helin
    Maanteyse ilaahay fadligii rag u kacay meel fiicana wax maraayaan laakiin isgarabtaag iyo wax laqabasho ay u baahanyihiin
    Mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.