Qarax khasaare nafeed geystay oo ka dhacay waddada Wadnaha ee Muqdisho

Sadex ruux oo rayid ah ayaa dhimatay afar kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta gaari dad shacab ah ay saarnaayeen lagu qarxiyay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, sida uu Gedotimes u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maamulka degmada.

sida La ogyahay sadexda qof ee dhintay labo kamid ah ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed halka qof kale uu ahaa rag, waxaana qaraxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.