Puntiland waa laba gobol iyo bar waa hadalkii Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud. By Jimcaale

jim

Dhibaatada Xassan Shiikh Maxamuud uu abuuray habaynimadii 01/09/2016 ma ahaayn mid yar.Wuxuu doonaayey in uu olalahiisa ku soo noqoshada xafiiska xayeysiis u sameeyo laakiin gacantiisa ayuu isku dilay iyo afkiisa aan lahayn ka fiirsasho iyo aragti fog.Dhibaatada federaalka oo aan marar badan ka hadlay buu si caddaan ah u sheegay in ay ku danmbayn doonto fowdo iyo amar kala qaadasha la,aan ku soo socota qaranka Soomaaliya.Waxay tusaale u ahayd in aan ku socono qaybi oo xukun.Ilama ah Siyaasiyiinta,aqoonyahanada,odayaasha dhaqanka,dadka waayo,araga ah in ay garan la,yihiin xaalada dhabta ah ee dalku ku socdo.Maskax Soomaalinimo in aysan talada iyo hogaanka inoo hayn qofna kama qorsoona Madaxweynahayaga waa Masawir cadawga ummada Soomaaliyeed ka dhex hadlaayo,yaan caro iyo caloolxumo ama caadifadi ila sii tagine aan sababta idin dul istaajiyo oo ah sidatan ,ayada oo sababtu ayan kaliya ahayn cinwaanka sare ee ka mug weyn tahay;

1-Madaxweynahu wuxuu yiri asaga oo reer Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku beer dulucsanaaya in ay fuliyaan ujeedooyinka guracan ee loo maraayo dhismaha maamulka labada Gobol(puntilandi waa laba gobol iyo bar hadana waxay ku saami qaadataa toban gobol ,Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa u furan in ay maamul samaystaan oo intii ay Xamar ka sugi lahaayeen in ay wax u sameeyaan ay ayagu samaytaan shan iyo lix gobol intii aydoonaan.Maxaa ka dhalan kara hadalkaas bal ila eega:-

1-Maamulka puntilandi wuxuu ka dhismay shan gobol walina waa isku haystaa in uu saas yahay oo kala ah,Mudug,Nugaal,Bari Sool iyo Sanaag ,Xassan Shiikh waa ku saami siiyaa mar kasta,waxaana u denbeeyey xildhibaanada hadda la qaybsaday wuxuu siiyey afar gobol iyo bar,wuxuu abuuray arimahaan;-
-puntlandi waxay u aragtaa dhaawac loo geystay maamulkooda joogaraafi ahaan.
-Soomaaliland iyo galmudug xiisada puntilandi kala dhexaysa buu badrool ku sii shubay.
-Maamulada gobolada ka jira in ayan Muqadishow ka amar qaadan oo waxay rabaan samayn karaan ,dalkuna dawlado aan is xukumin loo kala qaybiyey buu na tusay.

2-Waxaa la weydiiyey odayaasha beelaha oo been abuurka ah ee u diwaan gashan dawlada ,ayada oo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble loo soo qaatay tusaale,wuxuuna caddeeyey in ay jiraan 55(konton iyo shan)la mid asaga waqti lagu badelo mahayno ayuuna ku jawaabay.Waa yaab maxaa diidan?

3-Siyaasada Aimaha gudaha iyo dibada buu ka sheegay in laga sameeyey horumar balaaran ,siiba tan dibada oo uu yiri waa boqolkiiba boqol,Dalka iska daa,Xamar ka soo tag,xaafadaha Muqdishow meel iska dhig Madaxtooyada uu degan yahay dhiiga waran iyo meydka dadsan ninka isku dayey in uu na indhasaabo oo naga qariyo bal wax ka dhaha?Mida kale Soomaaliyee in gurigiisa gudihiisa wax ka qaban waayey dibada wax ma ka qaban kara?,annaga oo og dadka dibada calankeena ku masala tayadood iyo meelaha muhiimka ah sida UK oo aan cidna noo joogin.Jimcaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.