Soomaaliya waxaa ka talisa dawladii taariikhda ugu liidatay By Jimcaale

jim


Waxan marar badan maqalnay ama aragnay aragtiyo kala duwan oo ay soo bandhigeen xildhibaano,siyaasiyiin,aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo wariyayaal makarafoonka la dhexe qaadeen ayaa dhammaantood aragti isku mid ah oo ay ku qaymaynayeen xukuumada maanta ka talisay Dalka Soomaaliya ayey isku mid ka noqdeen in xukuumada jirtaa tahay tii u liidatay ee abid soomartay Dalka Soomaliya,waana sababta aan qormadaydaan cinwaanka sare ugu doortay.

Qof kasta oo Soomaali ah waxaa saran masuuliyad wadanku ku leeyahay waxaana dusha ka saran waajibaadka uu qeexaayo xadiiska oranaaya(QOF KASTA WAA MASUUL,WUXUUNA MASUUL KA YAHAY WAXA LA RAACIYEY),sidaas awgeed ilaalinta sharafta iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed dh waxay dusha u saarantahay dhammaan shacbiga Soomaaliyeed,kidka hagrada iyo kan si xun u isticmaala Alle ku cafinmaayo,midka daacada u ah oo afkiisa ,adinkiisa iyo maalkiisa u quura jiritaanka iyo sharafta qaranka xasanaad badan baa Alle agtiisa u yaala,shacbigana waa in ay abaalkaas u hayaan.
Aniga oo qof ahaan aragtidayda ka dhiibanaaya,waxaan ku raacayaa aragtida bulshada Soomaalida inteeda badan qabto oo ah waxaa noo taliya taliskii ugu xumaa oo taariihda na soo mara anigab oo tixraac u soon qaadanaaya arimaha hoos ku qoran;-

1-01/09/2016 Barnaamijdka doodwadaag ee universal TV oo Madaxweyne Xassan soo fariistay in uu qanciyo shacbiga Soomaalida asaga oo uga golahaa Ololahiisa doorashada,waxaa la weydiiyey safarkii JIgjiga wuxuuna ku jawabay(Wxaan uga jeedey in siyaasadihii hore iyo wax jiri jirayb in aan diidi karno oo aan dhabarka u duwi karno in aan muusjiyo),sow nooma muujin in figradii Soomaaliweyn Xassan SDhiikh halkaas ku aasay?Ka jawaaba idinku.

2-Waxaa la weydiiyey in odayaasha dhaqanka ee baarlamaanka soo xulayaa ayyan ahayn kuwii saxa ahaa,wuxuuna ku jawaabay,(55 konton iyo shan baan ahayn ku saxa ahaa waana ka hawlyaraysanay in aan badalno oo waqti uma hayno.Odaydhaqameed saxa ah oo asaguba qiray in la musuqmaasuqay sabab loo badali waayo yaa garanaaya?bal wax ka dhaha. Soomaaliyeey.

3-Waxaa la weydiiyey dhulboobka ka socda Xamar ayada oo dad guryahoodii la dhacay iyo kuwo lagu haysto ay waraaqihii sharciga ahaa iyo faylal kor u qaadeen,wuxuuna ku jawaabay (waxaan burbursanayn waqti dheer ,hadaaban samanay meelo loo dacwoodo waa horumar,wax yar oo gacma gacmays ah micna maleh )Qof gurigiisa saas lagu qaatay qanac ma u tahay ,kuwii guud oo ummadda ka dhexeyey boobkooda sow asaga loo tirinmaayo? Fartii daahira baa wax daahirisa ee ka faalooda taasna.

4-Wuxuu ku faanay in siyaasada dibadu ay tahay boqolkiiba boqol,annaga oo og in safiirada lagu magacabo si musuqmaasuq ah,nin jecleysi iyo 4.5 ,isla markaas UK oo meelaha siyaasada adduuka muhiim u ah aan safiir noo joogin,isla markaasna dalalka qaar la bililaqaystay dhismayaashii Safaaradaha iyo kowo ka qaybqaata tahriibka.Ka faalooda ayadana.

5-Amaan baa Dalka ka jira siiba xamar buu ummada u sheegay asaga oo sabab uga dhigay isbaarooyinkii baan dhamaynay,waxaana ognahay khasaaraha dhimasho.dhaawac ,burbur hantiyeed iyo Wasiirka amniga oo sheegay in aan amaanka hoteelada ayyan dawladu masuul ka ahayn waxna ka qabanayn.Amaan aan ku faanaa aaway?Ra,yigiina ka dhiibta.

6-Ugu danbayn faan iyo iska dheh iyo indha adaag marsii hadday kuu marayso inta iska dhaafno lixdii tiir ee Madaxweyne Xassan noo balanqaaday xilkana ugu dhiibnay maxaa ka fulay?Qof kastow ra,yigaag ka dhiibo xilbaa ku saarane.
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.