Hotel Caalamiya oo lagu magacaabo Mecca oo Laga furay Kismaayo

Xarunta Gobalka Jubbada Hoose waxaa laga furay Maanta Hoteel casri ah oo lagu Magacaabo Hoteel Mecca islamarkaana ka mid ah Hoteelada Magaalada, waxaana dhisay Ganacsade Soomaaliyeed oo ka mid ah Ganacsatada Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Xafladii Hoteelkaan Casriga ah Xariga lagaga jarayay waxaa kaso qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Odayaasha Dhaqanka, Haween iyo Marti Sharaf lagu casuumay.

Munaasibadaan oo ka dhacday Hoteelka Mecca ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Dhamaan dhinacyadii kaso qayb galay waxayna aad u bogaadiyeen Ganacsadaha furay Hoteelkaan iyagoona u rajeeyay in Allah Hantidiisa u xafido.

Magaalada Kismaayo hada waxay u muuqataa mid uu kajiro tartan xaga dhismaha Hoteelada, oo ay isugu fanayaan ganacsatada, kuwaasoo guro iyo Hoteelo waaweeyn ka dhisaya magaaalada.
mecca (1)

mecca (2)

mecca (3)

mecca (4)

mecca (5)

mecca (6)

mecca (7)

mecca (8)

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.