Waraysi: Maamulka Degmada Baladxaawo oo ka warbixiyay Dagaaladii ka dhacay Gudaha Degmadaasi. By Cumar Laki Man

dagaal

Inta la xaqiijiyay Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 10 Kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray kadib markii Degmada Baladxaawo ay ku dagaallameen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Cusub ee Degmadaasi iyo Malleeshiyo Beeleed ka soo horjeeda.

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Jubbalanad ugu Magacaaban Degmadaasi Maxamuud Xayd Cusmaan oo Waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in ay la dagaalameen Maleeshiyaad uu ku sheegay Qas-Wadayaal isla markaana ay tiro badan ka dileen kuwo kalana ay Nolol ku Qabteen.

Gudoomiyaha Degmada ayaa sheegay in ay soo afjareen Howlgalka isla markaana Degmada hadda ay tahay Mid nabdoon.

Waxa uu uwaramay Cumar Laki Man oo ku sugan Studiyaha Radio Daljir ee Magaalada Caabudwaaq.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.