Horjoogihii marin haabaabinta Al Shabaab oo dowladda isu soo dhiibey “Daawo”

shabab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Xarunta Gobolka Banaadir Caawa ku soo bandhigay Sargaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab islamarkaana isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.
Sargaalka ay Hay’adda NISA Caawa soo bandhigtay ayaa lagu Magacaabaa Ibraahin Aadan Ibraahin {Ibraahin Nadaara}waxaana uu ahaa Madaxa Xafiiska Waxbarasha Gobollada Baay iyo Bakool,iyadoo uu sheegay in sidoo kale uu Xilal dhowr ah ka soo qabtay Al-shabaab.
Ibraahin Aadan Ibraahin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu Shabaab uga soo baxay Qaladaad badan oo uu la kulmay kuwaas oo ay ka mid yihiin ka been sheegida Diinta Islaamka iyo Khaladaad kale oo dhanka Maamulka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.