DEGDEG: Dagaalkii ka socday Baladxaawo oo lagu kala baxay iyo Maleyshiyo Magaalada Dibadda looga saaray.

dagal

Dagaalkii saaka kabilowday Degmada Baladxaawo ayaa goordhaw lagu kala baxay iyadoo mid kamid ah maleyshiyaadkii ku dagaalamay magaalada dibadda looga saaray.

Maleyshiyadii Daacadda u aheyd wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Indhakoreey ayaa magaalada u haray halka maleyshiyaadkii kalane magaalada laga saaray.

ugu yaraan 6 askari ayaa dagaalkani ku dhintay oo dhinacyadii dagaalamay ah halka dhowr iyo toban kalane ay ku dhaawacmeen kuwaas oo looqaaday dhaawacyadooda Degmada Doolow ee waqooyiga Gobolka Gedo.

Maleyshiyaadka Magaalada laga saaray ayaa ka gadoodsanaa in Xilka Gudoomiyaha.ee Degamadaasi loo magacaabo taasi oo dhagaha laga fureystay Duleedka Magaalada ayey kawadaan Abaabulo Dagaal Maleyshiyadii Degmada laga saaray.

Sikastaba baladxaawo ayaa Colaad horleh marti galineysa iyadoo aan la ogeyn waxa uu ku dambeyn doono daruuraha colaadeed ee Degmadaasi dul hoganaya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.