DEGDEG: Qarax Labaad oo goordhaw ka dhacay Baledxaawo iyo Xiisad halkaasi,ka jirta caawa.

Qarax labaad.ayaa.goordhaw oo caawa ah ka.dhacay Degmada Baledxaawo,ee Gobolka Gedo.

Qaraxani ayaa ka.dhacay xaafadda Farjanno ee Degmadaasi, gaar ahaan.inta u dhaxeysa Isbitaalka Degmada ee QALIIL iyo Suuqii,hore ee Xoolaha ee Degmada Baladxaawo.

Goobjoogayaal ka.agdhawaa halka uu qaraxu ka.dhacay ayaa GEDO TIMES u sheegay in qaraxa uu,ahaa.mid culus walow aysan.sheegin.khasaaraha.ka dhashay.inta uu la egyahay.

qaraxani ayaa imaanaya xilli maanta uu isla.degmadaasi ka dhacay qarax midkan lamid ah,

Sidoo kale Baledxaawo ayaa caawa marti galineysaa dhiilo,colaadeed oo ka.dhex aloosan laba maleyshiyaad oo,maamulka Degmada kawada tirsan kuwaas oo,difaac isugu jira.

arimahan oo, idilne waxa ay imaanayaan.dhowr maalmood kadib markii labadalay maamulkii degmada baledxaawo ka ariminayay labadii sano ee lasoo,dhaafay,kaasi oo uu hogaaminayay Korneyl Yuuusuf Maxamed Cabdiqaadir Kaanti.

WIXII,KUSOO,KORDHA.KALA.SOCO GEDO TIMES INSHA ALLAH

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.