Hagardaamada Madaxweyne Xassan shiikh Maxamuud ee qaranka Soomaaliyeed.

jim

Xassan shiikh oo dadka Soomaaliyeed uusan aqoonin in kooban mooyaane ,wuxuu 2012kii ku guuleystay kursiga madaxtinimada ,wuxuu sameeyey balanqaad uu baarlamaankii doortay hortooda ka akhriyey in uu Dalka iyo dadka u qaban doono,waana sidii uu guriga madaxtooyada ku yimid ,maxaa dhacay?Waxaa dhacay jahadii Xassan balanqaadkiisu ku qotomay ama u socoday mid aan ahayn in uu qaaday oo ah hagardaamo iyo qiyaamo qaran,waxaana u sababa oo caddayn u noqon kara arimaha hoos ku qoran;-

-dhammaan lixdii tiir ee Xassan balan qaaday maalin kaliya xagooda ma uusan dayin,koobna lagama qaban habba yaraatee.
-Xassan wuxuu markiiba u tafaxaytay in uu boobo oo ku tagrifalo hantidii qarankaan lahaa ee ,warshado,xeryihii ciidamada ,xafiisyo,guryo ,hoteelo iyo dhulal banaan oo shacbiga ka dhexeyey,taas oo ay u danbeysay gurigii baarlamaankii hore iyo xaruntii XHKS oo hadda laga sharqaminaayo in uu siistay toban milyan(10,000.000) oo doolar USA . –Waxaa dhinac socday dilal qorshaysan oo asaga loo tirinaayo kuna wajahnaa kolba inta maamulkiisa ,iyo dibindaabyadiisa garata oo ka hadasha waxaana arintaas caddaatay dilkii xildhibaan Dirir iyo dhaawicii xildhibaan Cabdalla Boos oo ay geesteen Sarkaal iyo ciidan ka tirsan ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Xassan ilaa maantana aan wax war ah laga soo saarin , dadkana la maqaashiiyey in gudi loo xilsaaray(Xagee ku danbaysay arintaas Soomaaliyee?)
-In uu soo nooleeyey dacwadii badda ee Kenaya iyo Soomaaliya oo baarlamaankii ka horeeyey iyo dawladii ku meelgaarku laaleen .qaramada midoobay iyo caalamka oo dhana laga laalay,kadib markii Xassan warqad u qoray QM in laga wada hadli karo arimaha badda ee Kenya/Soomaaliya.Soomaalidu arintaas ma is weydiisay?sow ma taagna maanta meel hakis ah oo asagu geeyey?
-In sharafta iyo karaamada qaranka Sooammliyeed Xassan geliyey gacno shisheeye in ay maamulaan assaga oo ku bedelanaayey markasta danahiisa gaarka ah.
-mar kasta oo fashil ku yimaado danahiisa gaarka ah Xassan wuxuu u maray musuqmaasuq aan qarsoonayn oo labada golaba ku noqday barmadow iyo ceeb ilaa loo bixiyey (KU SHUBO ama CALL BOX) ,taas oo qal qal iyo wax qabad la,aan geyeysiisay dhammaan laamaha dawlada sida mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka oo uu laaluush uu u bixiyo.xilal qaabaailo la siiyo , masuuliin la siiyo dalacaado iyo balanqaadyo arimahaas oo kale ah,waxayna dhalisay in Dalka ka dhici weydo doorasho qof iyo cod ah islamarkaasna tii camanduleyska ahaydna dib u dhac ku yimid cabsina laga qabo in ay qabsooni weydo.
Isku soo wada aduud maanta muxuu Xassan faraha kula jiraa;-
-Caburinta Xisbiyada iyo musharaxiinta.-
-Lacagahii mushaaradka shaqaalaha iyo ciidamada oo uu bangiga kala baxay masu,uulka ku xigaana ku haysto waa sida ay saxaafadu ka soo xigatay ilo xog ogaal ah.
-Safarkii Jigjiga iyo Addis Ababa iyo wixii uu ku hadlay oo sawirka runta ah oo Xassan Shiikh banaanka keentay in qaranka Soomaaliya halis ugu jiro cadawgiisa soo jireenka .
Ugu danbayn safarada imaaraadka carabta Xassan ku maraayo oo laba micna leh uga quusta ,tan hore in uu ka helo lacag uu ku duleysto baarlamaanka imandoona si aan dalkaan uu cadawga kula heshiisyey aan wax isbedel uusan u samanyn iyo tan labaad oo ah Haddii uu ujeedadiisa guracan kun guuldaraysto in uu soo diyaarsaday sidii uu degaan uga heli lahaa ilayn eeda iyo godobta uu ka galay qarankaan in uusan ku dhexnoolaan Karin waa og yahaye.

Aan ku soo gabagabeeyo wax uu Xassan Shiikh noo dhaafay ma jirto ee jiritaanka iyo madaxbanaanida uu halista geliyey in aan badbaadin karno aan u wada guntano assagana is daafino.Ogaada qaranka iyo gobanimada dad baa u dhintay dhiigna u daadiyey,Haddii aan dhimashada diidno oo aan dhiigeena u quuriweyno ma difaacmayso jiritaankeenu,caburin,caga jugleyn ma banaanbixi kartaan iyo lama hadli karo ayey na cabsigelin ee waa in aan codkeena iyo dareenkeena muujinaa,maaha Xamar kaliya dadka gobolada in la kiciyo oo la dareensiiyo dhibaatada Xassan Shiikh ,waxgaradka iyon axsaabtu ha u hawlgaleen.

W/Q cabdullaahi Jimcaale Faarax.

..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.