John Kerry: Soomaaliya Waa in Lagarab Istaagaa Anakuna waa taageereynaa-SAWIRRO

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bariga Afrika iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry ayaa maanta ku kulmay magaallada Nairobi ee dalka Kenya. Shirka ayaa looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan xaaladda ka taagan Suudanta Koofureed iyo houmarka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa la wadaagay wasiirrada, horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameeyay arrimaha ammaanka, dowlad-wanaagga, dimoqraadiyadda iyo dhaqaalaha. Dowladda Mareykanka ayaa uu uga mahad celiyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya, taakuleynta AMISOM iyo tababarka ciidanka XDS.

“Horumar ayaa ay samaynaysaa Soomaaliya oo kaashanaysa saaxibbadeeda caalamka, doorashooyin bulshadu u dhan tahay ayaa ka dhacaya dalkeena sanadkaan. Taageerada Mareykanka ahmiyad ayay u leedahay Soomaaliya” ayuu yiri wasiir Hadliye.
keri

kery

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.