Xiriirka C/kariim Guuleed iyo Kuxigeenkiisa Oo aan fiicnayn

Madaxwayne C/kariim guuleed ayaa waxuu madaxwayne u yahay Labo degmo oo kutaala Mudug iyo Cadaado oo kutaala gobolka Galgaduud, Mr Guuleed waxuu isu arkaa inuu kamid yahay madaxwaynaasha maamul goboleedyada soomaliya kuwaas oo deegaanka ay kataliyaan markay kadhoofaan ama yimadaan saxaafada laga maqlo, lakiin Mr Guuleed waa yimid waad maqlin balse lama arag lamana maqal waa dhoofey taas oo shacabka Cadaado ku noqotay wax cajiib ah isagoo inta badan ku laabta diyaaradii uu kuyimid.

Cali Xasan oo kamida wax garadka Cadaado ayaa uga waramey wariyaha Gedotimes ee Cadaado in madaxwayne Guleed dadkii uu madaxda u ahaa ka doorbiday Hoteelada Muqdisho iyo Xafiiska Xasan Shiiq, Cali xasan asagoo sii wata hadalkiisii ayuu yiri C/kariim Guuleed waa inuu kunagaadaa Galmadug haduu rabo inuu madax unoqdo sidii maamulkaa Xubin iyo Xeeb, waana inuu lamid noqdaa madaxda maamul goboleed yada iyakoo shaqo ubaxa kadibna deegaankooda kusoo noqda meesha Mr guuleed kadoor biday Muqdisho, Cali xasan waxaa kaloo sheegay Mr Guuleed iyo kuxigeekiis Maxamed inay iskaga horyimaadeen xubnaha loogu daray Puntland sabatoo ah Madaxwayne kuxigeenka waxuu hogaaminaayey waftigii matalaayey Galmudug mana muujin wax hor istaag ah.

Tiis ugu dambeysan waxay ahayd C/kariim guuleed oo cafimad kayimid wuxuuna kusoo dagay Koonfurta Gaalkacyo kadiban meeluu cirib dhigay lama yaqaan isagoo lagu arkay Kampala Isbitaal kuyaal iyo kulan uu laqaatey madaxwaynihii hore Shiiq shariif.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.