Degdeg: Ugaaska Beesha Sade oo u Duulay Magaalada Garbaharay kana Ambabaxay Degmada Baardheere.+ Sawiro

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi ayaa goordhaweyd u duulay Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Ugaaska oo ka ambabaxay Degmada Baardheere oo uu joogay maalmihii lasoo dhaafay ayaa goordhaweyd aaday Xarun Goboleedka Gedo ee Garbaharay.

Safarka Ugaaska waxaa ku wehliya Duubab dhaqameedyo si weyn looga yaqaano Gobolweynaha Gedo, iyo Masuuliyiin kale.

Maamulka Gobolka Gedo kan degmada Garbaharay, qeybaha Bulshada sida Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, dhalinyarada iyo Ururada Bulshada ee Garbaharay ka dhisan ayaa Tuban Min Garoonka Diyaaradaha ilaa iyo Bartamaha Magaalada Garbaharay, kuwaas oo u soo banbaxay Soo dhaweynta Ugaaska.

Gudoomiyaha Gobolka Axmed Buule Gareed Canjeex oo goordhaweyd Khadka Telefoonka aan kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta Ugaaska Beesha Sade.

Ugaaska ayaa garbaharay ka furi doona Shirweyne aaya katashi, Sidoo kale waxaa uu Ugaaska dhisi doonaa Gole Guurti oo ay yeelato Beesha Sade kuwaas LA shaqeyn doono Ugaas Maxamed Ugaad Xaashi Ugaas Xirsi.

Gedo Times ayaa idiin soo gudbin doonta Muuqaalada LA xiriira Socdaalka uu Ugaaska ku aaday Magaalada Garbaharay iyo qaabka soo dhaweyntiisaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.