Daawo qodbadihii Siyaasi Cabdiqani Sheikh Cali Diini iyo Xildhibaan faaqid kismaayo

Iyadoo ay socoto dadaalka iyo kaalmaha la gaar siinayo caruurta agoonta ah ee dhigato iskuulka tayo ee ku yaalo magalada kismayo kuwaas oo si lacag’aan ah ku barto iskuulkaasi islmarkaana macalimiinta iyo dhalinyarada ku hayo gacanta ilmahaasi agoonta ah aysan helin wax taakulo dhaqaale ayna u hilmaameen danahoodi gaar ka ahaa danta caruurtta agoonta ah ayaa waxaa manta iskuulkaasi booqday xildhibaano ka tirsan barlamanka jubaland iyo siyaasiin mug iyo miisaan ku dhex leh jubaland.

Masuuliyiintaan ayaa soo indha indheynayey baahiyaha kala duwan ee ka jiro iskuulka agoonta wax lagu baro ee Tayo iyadoona halkaasi uu deeq buugaag iyo qalimaan isugu jiro uu ardeyda gaar siiyey siyaasi Cabdiqani Sheikh Cali Diini waxana uu deeqdaas buugagta ah iyo qalimaanta gudoon siiyey mamulaha iskuulka Tayo ee wax lagu baro ilmaha agoonta ah ee ku nool magalada kismayo.

Sidoo kale xildhibaan faaqid oo hadal dheer goobta ka jeediyey ayaa balan qaaday in uu bixin doono 500 boqol oo buug oo ay ilmaha agoonta ah wax ku bartaan iyo sidoo kale yunifoonka ilmaha ay ku aadi la haayeen iskuulka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.