Madaxda Militariga iyo AMISOM oo ka shiray Howlgal kadhan ah Al-Shabaab +Sawiro

amisom

Saraakiisha Qeybaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga arinsanayay dib u billaabista howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo si wadajir ah looga fulinayo deegaanada Al-shabaab ay kaga harsanyihiin qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah godoominayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo taliyaha howlgalka AMISOM Sareeya guud Cismaan Nuur Subagle.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Saraakiil ka kala socotay dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka taagaara Xoogga Dalka Soomaaliya iyo AMISOM tababarka iyo Qalabeynta Ciidamada.

am

amisom

cidan

ciidan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.