Cunta qaybita la yaabka leh ee G/GedoG(Gedo Ridiculous food distrupiation)

jim

Waxaa waayadaan laysla dhexmarayey cuntadii gargaarka ee Dawlada Turkigu ugu deeqday Soomaaliya qaybtii G/Gedo oo kumanyaal kiintaal ahayd in la geeyey magaalada Kismaanyo ee xarunta u ah maamulka Jubaland ee G/Gedona ka mid ka yahay. Waxaa saxaafadu soo bandhigtay ayada oo lagu iibinaayo suuqyada ganacsiga ee magaalada kismaanyo.

Wasaarada Arimaha gudaha oo sidii loo qaybiyey kaalmadaas sharaxdayna waxay sheegtay in musuulinta maamulada ay u gacangelisay mid kasta qaybta ku soo aaday,arintaas oo wasaaradu uga golahayd in eeda raashinkaas wasaaradu meel iska saarto,waana sida nidaamku yahay laguna qanci karo mar Haddii ayan masuuliinta Maamul goboleedyadu ayagu dood ka soo celin.
03/08/16 waxaa warbaaxinta kala duwan ee dalku faafisay in maamulka jubalaand wafti ka socday ee soo gaarey magaalada Dooloow ay beeniyeen in raashinkaas lagu iibiyey suuqyada Kismaanyo qayb ka mid ahna ay ayagu wadaan.
Haddaba waxaan is weydiiyey waa hubaal in aan raashinkaas dhulka la soo marin oo masiibada Dalka lagu saladay Al-shabab baa meel kasta taagan,ma diyaarada 14ka qof qaada oo waftiga Dooloow keentay baa raashinkaas waday?
Su,aashaas waxaa qaba dadka Gobolka Gedo oo aan ka midka ahay,waxaana codsanaynaa in nala ka qanciyo qaabka raashinkaas ku soo gaaray dadweynaha Gobolka Gedo ,waxaana jawaabta laga sugayaa masuuliinta Jubalaand iyo cid kasta oo xog ogaal ah,ayada oo aan ka wada warqabno in gudoomiyaha Gobolka Gedona uu arintaas gargaarka la lunsaday uu shaaciyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.