XOG: Shirarkii Nairobi oo soo Idlaaday iyo Korneyl Barre Hiiraale oo Gedo kusoo wajahan. “Akhriso

Waxaa guul kusoo idlaaday shirkii Magaalada Nairobi uga socday Dowladda Kenya iyo waxgarad iyo siyaasiyiin matalayay Beesha Sade.

Kulanka oo wajigiisii sadexaad hadda lasoo gunaanaday ayaa guul kusoo idlaaday iyadoo dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay Isfahan buuxa laga gaaray hada wixii ka dambeeyane dhaqan galintooda loo jiheysto.

Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo Korneyl Barre Hiiraale ayaa dhinaca Beesha ugu cadcadaa Matalaada Shirkani iyadoo ay labadani Masuul xitaa wada hadal dheer laqaateen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee Dalkaasi.

Dhawaan waxaa bilaabanaya Hawlgal dib u xoreyn oo ay wadajir u hogaamin doonaan Korneyl Hiiraale iyo Saraakiil kasocota Dowladda Kenya kuwaass oo shabaab kasaari doona Deegaanada ay kaga suganyihiin Jubbaland.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa aad uga xun kulamadani siyaasadeed ee is afgaradka kusoo idlaaday waxaana ilo Axmed madoobe ka agdhaw laga soo xogtay isagoo leh “jubbaland gacanteyda weey kasii baxeysaa kulamada halkaas kasocdane dhabarjab ayey igu yihiin”

Maalmaha soosocda waxaa Gobolka Gedo Qeybo kamid ah gaari doona Korneyl Barre Hiiraale oo halkaas ka bilaabaya isku dubaridka ciidamadii deegaanadaas xoreyn lahaa oo badankood Ceelwaaq, Garbaharay iyo Baardheere ay ku diyaarsanyihiin.

Sikastaba waxaa toos u bilowday Xiriir aan kala joogsi laheyn oo lagu wado in uu siisocon doono Dowladda Kenya iyo Beesha Sade oo ay Sanado badan gacan bidixeyn ku waday.

HOOS KA DAAWO SAWIRADII U DAMBEEYEY EE KULAMADA Nairobi

bare

shirsade

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.