2 Xasan Iyo Taageerayaashooda Oo Xaalada Dalka Ka Been Sheegey By Jimcaale

jim

bogoga wararka shaaciya 29/07/16 lagu soo daabacay shirar is burinaaya kuwaas oo quseeyey Madaxweyne Xassan Shiikh,oo amaan iyo dhaliil iyo faan ahaa,ayada oo tvyada qaarna laga daawaday ayaga oo muuqaal ahaa.

Haddii aan ku hormaro midka amaanta ah waxaa qabtay koox abaabulayd oo aan wajiyadooda ka gartay Nuur cadde oo marnoqday risawasaare,isla markaas aad loogu xasuusto xilkii ugu xigey ee safaarada Soomaliya ee Rooma Dalka Talyaaniga,iyo waliba wakiilka yurub oo meelo Rooma ka mid tahay guryiyii safaaradaha asagu gatay,kooxda uu horboodaayey markii aan dhegaysatay oo amaanta ka badiyey Madaxweyne Xassan Shiikh,ayaa waxaa igu soo dhacay maahmaah Soomaaliyeed oo dhahda(fartii daahira baa wax daahirisa.joo macnahu yahay nin wanaagsan baa wax wanaagsan oran kara ama laga filan karaa.aniga arinta waxaa iiga filan maahmaahda sare balse aan u daayo khristayaasha in ay wax ka yiraahdaan.

Waxaa igala yaab badan mar Madaxweyne Xassan Shiikh uu ka hadlaayey munaasibada looga hadlaayey tacliinta sare ayuu si cad u sheegay in dalku siyaasad xumo la socon la,yahay.Siyaasadi waa maamul iyo maareyn ama aan si kale u dhexee qofku waa in masuuliyada uu hayo si hufan u socodsiiyo.Markaas baan waxaan is weydiiyey siyaasa xumida dalka ku habsatay Xassan Shiikh ma asagaa isula jeeday mase cid kale buu ku riixaayey.Hadii uu asagu isku jeeday muxuu haddana ula soo taagan yahay(afar sano siyaasad xumo baan ku dhammaystay ee haddana i doorta? Ilayn qofkii fashilma haday xishoonaayo waa is casilaayeye,sow yaab iyo afkalaqaad maaha?

Mar kale oo uu ka hadlaayey xaalada amniga dalka ayuu yiri madaxweune Xassan dalku waa amaan Al-shabaabna waa laga ciribtiray,waana laysku halayn karaa siiba magaala madaxda Muqdishow.Bal aniga dhabanka iyo gacanta baa isku kay dhegaye annagoo og wixii ka dhacay hoteelada ,suuqyada,Xerada Xalane oo ah meesha loogu ilaalinta badan yahay,dhacdada raadkeedu qoyanyahay ee gegida diyaaradaha Aden Cadde ,iyo gobolada dalka min Puntiland iyo Jubalaand bal aniga amakaagay ee akhristayaal wax dhaha?

W/Q Cabdullahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.