TACSI: Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, Maamo Xabiibo Saydiid oo Nairobi Ku geeriyootay.

tacsi

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Waxaa saaka aroortii Hore Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Ku geeriyootay Rabi ha u naxariistee Maamo Xabiibo Saydiid oo dhawaanahan halkaas Ku xanuunsanaysay.

Maamada ayaa u geeriyootay Xanuunka Neefta sida ay Gedo Times u xaqiijiyeen Qaar kamid ah eheladeeda oo aan LA hadalnay.

Rabi naxariistii Janno haka waraabiyee Maamo Xabiibo ayaa Bilihii lasoo dhaafay Ku xanuunsaneysay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, kahor inta aan xanuun dartii looga sooqaadin Dalka Canada oo ay daganeyd wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladii dhexe kadib.

Bahda Gedo Times waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan ehelkii ay ka geeriyootay Maamada gaar ahaan ree Maxamed Buule oo ah caruurteeda iyo aabahood iyo ree Seydiid oo ah ehelkeeda iyada.

Dhambaalo tacsiyadeed oo soo gaaraya warqabadka Gedo Times ayaa sidoo kale tilmaamaya in dhamaan dadkii soo diray Tacsidaas ay ka murugeysanyihiin Geerida Kutimid Maamo Xabiibo Saydiid rabi ha u naxariistee.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.