Masaajidka Cali Gaduud ee Degmada Cadale iyo Beerxaani waxaa ka dhacay fal isku mid ah.! By Jimcaale

jim

Tuulooyinka Masaajidka Cali Gaduud ee Degmada Cadale iyo Beerxaani ee Kismaanyo ka tirsan waxaa ka dhacay fal isku mid ah.!
Masaajidka Cali Gaduud ee ka tirsan Degmada Cadale ee SH/Dhexe waxaa horay u haystay ciidamada DF waxayna iskaga baxeen21/07/2016,ayada oo wax dagaala looga saarin,isda wararku sheegayaan islamarkiiba waxaa halkaas la wareegay Al-Shabaab,waxay dab qabadsiiyeen guryihii dadweynaha,dadkii shacabka ahaana dhibaatooyin kale duwan baa u geysteen,sida dad ay carabka ka jareen.
Sidaas si le,eg Tuulada Beerxaani ee ka tirsan Degmada Kismaanyo waxaa Joogay Al-Shabaab,waxaa la wareegay ciidamada Jubaland iyo Amisom,waxay markiiba ku dhaqaaqeen in guryihii dadweynaha ciidamada Jubalaand dab qabadsiiyaan, dadkii u qabay in cadaw laga dulqaadayna dhibaatooyin kala duwan loo geysty,isla markaasna ayada oo aan wax dagaalihi ka dhicin saacad kadib laga soo baxay,Al-Shabaabna ku soo laabtay.

Bal eega cidamadaan ma dagaalamaan qolaba qolada kale markii ay ku soo dhawyihiin bay meesha uga baxaan,miyeysan u ekayn in dhibaataynta shacabka heshiis lagu hayahay,Ciidamada DF,Amison ,Kuwa Jubalaand haddii aad ficiladaan qaymaysaan maxay idinla egtahay? Intaas waxaa ka sii daran aaway Dawladii la xisaabtami lahayd ee dhibaatada shacabka gaartay ka danqan lahayd? Dal dagaal ku jira askariga halka lagu og yahay ka taga amar la,aan ama dayayacaad looga qabsado sowtii barta uu joogo lagu toogan jiray.Yaa bedelay sharcigii lagu dhaqi jirey ciidamada? Jawaata waxaan u daayey akhristayaasha.
W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Farax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.