Muqdishow oo Xasuusatay Jaalle Maxamed Siyaad Barre. By Cabdulaahi Jimcaale

jim

Waxay ahayd 21/07/2016,markii barnaamijdka doodwadaag ee ka baxa universal uu soo fareystay gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Husseen Jimcaale,qolkii doodu ka socotay waxaa soo buuxdhaafiyey dadweyne aad wajiyadooda ka dheehan kartay caro una baahnaa marun wax kahadliya si ay waxa calooshooda ku jira banaanka u keenaan.Dhanka kale waxaa ka muuqatay daal iyo madluunimo u ekayd quus ay ka taagan yihiin cadaalad iyo nidaam dawladnimo.

In kasta oo dhalinyaro aan maamuladii dalkaani soo maray waxba ka ogayn ay meehsa joogeen haddana waxaa joogay xogogaal waayo araga ah sidii wax ahaan jireen iyo maamuladii nidaamka iyo sharciga lahaa ee dalka soo maray.waxay aad u xasuusnaayeen kii nidaam u danbeeyey ee wax lagu daqay waqtigii balaarinta magaalada Muqdishow iyo baabi,inta deegaanadii aan sharciyeysnay(obosivo) ee loo baahday meelo wadooyin maraan,saldhigyo boolis,iskuulo,isbitaalo.xafiisyo iyo iwm.

Waxaa loo wajihi jiray in inta guri ama goob ganacsi ee mashruucaas saamaayo la tira kobo calaamadna lagu dhigo,muujinaysa in la dumindoono,ayada oo saaddex magac laga qaadi jiray qof kasta,markaas kadibna waxaa loo samin jiray halkii la dajin lahaa,ayaga oo aan waxba ka ogayn baa loo cabiri jiray oo warqada lahaanshaha oo saddexdiisa magic ku qoran tahay loo samayn jiray
,markaas kadibna meesha waxaa laga samayn jiray shan mashruuc,biyo galin,saldhig boolis,Isbitaal,iskuul iyo xafiisyadii laga maamuli lahaa deegaankaas hadii ayan awal ka jirin halkaas,markaas ka dib qof kasta boos cabiran iyo warqadii lahaansha (sabralogo) baa lugu wareejin jiray,waxaana la siin jiray mudo ku filan oo meesha la burbur doono uu uga guuro waxa ka dhisana ka fuqsado.Dadku waxay sheegteen in ayaga oo aan xogba hayn inta cagaf loola yimid cagta la mariyey guryahoodii ,meelna aan lagayn ,kaaga sii darane meeshii laga qaaday dad kale laga iibsaday.ayaandaro duqa magaaladu wuxuu ugu jawaabay( aniga wax hadda kahor dhacay waxaba ma ka qabaayi).

Isku soo wada duub waxay ku tusinaysaa in dawlada iyo haya,adaheeda ay sharcigii hore laaleen mid kalana aan la samayn oo waliba aan dhihi karo madaxda maanta sharci uma baahna mana rabaan,xaalku waa jaantaa rogan iyo mooryaamayn. Dadka Muqdishow dhibanayaasha ah dhibka ka biximaayaan in ayagu xoriyadooda iyo sharci in ay helaan u dagaalamaan dulmigana diidaan maahee ,mana dhacayso ilaa ay sameeyaan kacdoon shacab oo dhahaan maya intaanu nagu filan mana idiin dulqaadan karnee nadaaya,kuwa inta saas ku soo xukumay weli in ay sii haystaan rajada ka qaba waa in ay iska horwareejiyaan,Soomaalinimo iyo sharci la helana xalkeedu waa kaas meel kalana ma jiro.
W/Q,CABDULLAHI JIMCAALE FAARAX.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.