Lamood Noqonseweyday By Cabdulaahi Jimcaale

jim

12kii Octoobar 2012 waxaa la doortay dawlada watigeedu sii dhammaanayo oo uu madaxweynaha ka Yahay Xassan Shiikh Maxamuud oo ahaa madaxweyne ummadda inteeda badan dhegaheeda iyo indheedaba ku cusbaa aad baa loo soo dhaweeyey wuxuuna balan qaad ka sameeyey baarlamaankii asna cusbaa hortiisa balan qaad ka koobnaa lix qodo oo muhiim ahaa ummadda iyo dalkuna u baahnaayeen. .Maxaa dhacay?Sow arintu maanta oo waqtigii dhammaaday ma taagna (Lamood noqonse weyday).waa cinwaanka aan qormadaydan cinwaanka uga dhegaye.
Maxay qabatay xukuumadu afarta sano ee sii dhammaaneysa?Haddii aan annigu ka jawaabo akhristayaal oo aan fikir kayga idin la wadaago waxay ila tahay sidaan;-

Shirar laga soo saaray,go,aano aan ka xasuusan karo,maalinta qaaxada,gudniinka fircoonigaa,xuxuuqu insaanka,maalinta haweenka,maalinta,dhalinyarada,isboortiga,

qoondhada haweenka,maalinta cayayaanka iyo dawlado iyo ururo xiriika loo jaro oo anan koley anigu garan Karin waaxa loola jeeday iyo waxa ay ummadda iyo qaranka Soomaalida u dhimeen,taas waxaa ka sii daran dhibaatooyinka isdaba jooga ah ee dhacaya oo ay geystaan Al shabaab,dawladaha dariska ah ,ciidamada amisom iyo kuwo lagu eedeeyey in dawlada naftigeedu ka danbeysay sida xildhibaano iyo masuuliin kale oo la dilay oo aan dhaafin cambaareyn iyo gudiyo la magacaabay oo ilaa maanta natiijadii barista laga sugaayo, bal xasuusta hal gudi oo inta la magacaabay natiijo soo celyey ama soo bandhigay.Dhammaan go,aanada noocaas ah waxay ka hirgeli karaan dal degan oo xukunkiisu gacanta dawlada ku jiro,(Maba lulatee maxay Leeftaa).

Waxaa aad iyo aad layaab leh dawlad wixii loo idmaday aan maalin kaliya cagta saarin oo ay iska cadahay in ay shisheeye u adeegaysay ee noo kala goysay gobolo aan isxukumin ,Jubalaand,K.Galbed,Galmudug,Puntilaand,Soomalilaand oo ay u aqoonsatay in ay dawlad ahaan loola xaajoodo,B/Sare,Galgaduud/sare iyo Hiiraan State oo hadda cusub,intaas oo dhan oo ka dhashay dhagarta shisheeyaha ay horboodayaan oo haadaan ku sii tuuraya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed loona maray federaal oo shacbiga Soomaaliyeed la hortaagan mar kale na doorta ,sow af kalaqaad maaha iyo yaab iyo dhamanahays? Ma noo egtahay in aan uga jawaabno kacdoon dadweyne oon dhahno intaasi nagu filane na dhaafa? Soomaaliyee idinku ka jawaaba.W/QCbdullahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.