Wariye Saabir oo ka waramay xarigiisii sheegayna in lagu eedeeyay in uu xasan cade la shaqeeyo

Wariye saabir c/riqaad warsame oo ka mid ah wariyayaasha kismaanyo ka hawl gala isla markaana katirsan tv ga somali cable ayaa ka waramay xarigii maamulka jubland ay u gasteen sheeayna in lagu eedeeyay in uu xasan cade la shaqeeyo iyo arimo kale

saabir oo waraysi gaar ah siiyay gedo times ayaa sheegay in uu la kulmay tacadi badan in intii uu ku xirnaa xabsiga kismaanyo kaas oo ay kula keceen dad muqaadaraad loo soo xir xiray oo ay isku meel ku xirnaayeen kadibna ciidan ku ay jirdileen oo hada qaybo ka mid ah jirkiisa ay ka muqanayso wax yeelada ka soo gaartay jirdilkii ay ciidanku kula keceen

waxaa uu sidoo kale sheegay in uu xarigiisa kadanbeeyay agaasimaha tv ga jubland sida uu kadareemay hadalka ciidankii xiray waxaana uu sheegay in ay kismaanyo kabilow deen kooxo kashaqaynaya kala gaynta wariyayaasha soomaliyeed ee kismaanyo ku nool.

halkan ka dhagayso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.