Shalay Badda Maanatana Dhulka! BY C/laahi Jimcaale

jim

Shalay badda maanatana dhulka!
Waxaan lawada soconay sidii Dawlada Keenya muranka ugelisay badda Soomaliya ,taas oo ay sabab u ahayd markii xukuumaddii markaas ka talineysay dalka iyo mas,uuliin sare ay si jelicsan oo ayyan Dawlada Keenya filayn uga jawaabeen codsi ay Dawladav Keenya,. oo ahayd waan ogolnahay in dib loo eego soodinta badda ee Keenaya iyo Soomaaliya. Waa arin wax lagu micnooyo oon ahayn in dhaqaale lagu bedeshay qayb ka mid ah badda Soomaaliya maahee aan cid wax kale ku macnayn karta ayyan jirin.
Waxaan ognahay in Golahii wasiiradda ee markaas jiray iyo baarlamaankii ay go,aan adag ka qaateen heshiiskaasna laaleen,ayyaga oo caddeeyey in ayan dawlada Soomaaliya wax wada hadala ka galayn muran ku saabsan badda Soomaliya e leh xuduud caalami ah oo adduunyadu aqoonsan tahay.
Ayaan daro markii madaxweyne Xassan kursiga ku soo fariistay,waqti aan saas uga fogayn,ayaa waxaa lagu baraarugay warqado Madaxweyne Xassan Shiikh qoaray qaramada midoobayna gaartay oo arintii soo cusboonaysiisay laguna qeexay in Soomaaliya wada hadal ka ogoshahay muranka badda Keenya iyo Soomaliya,arintaas oo albaabkii la xiray furtay,lagana dhaxlay in maanta waxayan weligeed Keenya filayn heshay kana raja qabto in qayb badda Soomaaliya ka mid ah ay hesho,halkaas oo lagu sheegay khayraad badan oo kayd shidaal u horeeyo.
Waxaa maanta ay dawlada Keenya ku dhaqaaqday in dhul lagu qiyaasay 20km in kabadan oo dhulka Soomaaliya ka mid ah dadkii daganaa ay ka soo barakicisay.Soomaalida waxay dhahdaa(DOQONTA USHAB AGTEEDA KU DHUFO HADAY GARAN WEYDANA LA DHAC).Haddaba ayaan daro waxaa ah kala qaybsanaanta foosho xun oo shisheeyeha iyo kuwa dawlad Soomaaliyeed sheeganayaa noo kala qaybiyeen in macnaheeda uu yahay in nala masquuliyo inta la dhaxwareejinaayo gayyiga Soomaalida,bal eega xasuuqyada ka dhacaaya Gobolada Waqooyi,Gobolada Dhexe,mushkilada qoorta isku surtay H/shabbeelaha dhexe, kala bixi waaga Galmud iyo koorgalbeed,derbiga laga dhisaayo soohdinta iyo maanta oo ay noo muuqato in dhulka kor ku xusan ayan ka duwanayn kan NFD.Mayeysan Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo dawladiisa mashquulka ku ah mar kale i doorta ahayn kuwii kitaabka ku maray ilaalinta qaranka Soomaalida? Ma waxay heshiis ku galeen baddii horaan idiin siinaye dhulka qayb ku darsada oo kursiga mar kale nagu soo celiya?Jawaabta waxaan u daynayaa ummadda Soomaaliyeed Meelkasta ha joogtee .Ugu danmbayn maa haray oon sugaynaa?.Dhibaatada aan kor ku xusay Soomaalida waxay uga sheekaystaan wax ku eg gobolka ay ka dhacayaan oo aan qusaynin Soomaalida kale .waxaan la yaabanahay in sheekada ay taagan tahay Reer Gedo baa Keenya dhul ka qaadatay oo dawlad iyo dad ka danqanaayaa jirin.W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.