Degdeg: Wariye Saabir Cabdulqaadir oo Xoriyadiisa dib u helay kadib dhowr maalmood oo uu Kismaayo Ku xirnaa.

deg

Waxaa fiidnimadii caawa xoriyadiisa dib u helay Wariye Saabir Cabdulqaadir Warsame oo laba maalin kahor ay xireen ciidamada Nabad Sugidda ee Jubbaland.

Xariga wariyaha oo uu ka dambeeyey Cabdinaasir Saxansaxo oo ah agaasimaha Jubbaland TV ayaa waxaa soodeyntiisa Ku guuleystay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta JIJA Khadar Maxamuud Xareed iyo Xoghayaha Xiriirka Gobolada ee JIJA Cabdiqaadir Soofe Jiijiile.

Wariyaha oo Fiidnimadii Caawa un Xoriyadiisa dib u helay ayaa loogu geystay Xabsiga Mudadii uu kujiray Jirdil.

Xariga wariyaha ayaa salka Ku hayay Warbixin lagu daabacay Mareegtan Gedo Times oo Ku saabsaneyd xarig loo geystay Suxufiyiin Dhowr ah oo uu ka dambeeyey Saxasaxo oo uu wariyuhu Ku baahiyay Bogiisa Facebookga.

Warar LA xaqiijiyay ayaa sheegaya in Saxansaxo uu hada qudhiisa Gacan Ku Gabad yahay kadib cadaadisyo kaga yimid Madaxda Jubbaland oo sababi karo in shaqa joojin lagu sameeyo Bacdamaa uu u dhardhigtay iska horkeenidda warfidiyeenada ka hawl-gala Magaalada Kismaayo.

Waxaan isku dayeynaa in aan wariyaha wareysi kala yeelano sida loola dhaqmay Mudadii uu Xabsiga kujiray iyo jirdilada loogu geystay Gudaha Xabsiga, hadii alle idmo.

wariye sabir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.