Madaxaweyme Xasan Shiikh Dhegahiisa,AFKIISA IYO Qalbigiisu ma ismaqlaan miyaa

jim

Madaxaweyme Xasan Shiikh Dhegahiisa,AFKIISA IYO Qalbigiisu ma ismaqlaan miyaa?!
Waxay ahayd subax 12/0 7/20 markii wararka bogoga lagu soo qoro mid ka mid aan furay ,waxaan iiga soo baxay cajal fiidiyow ah oo la duubay 2012,markaas oo Xasan Shiikh oo aan Soomaaliya caan ka ahayn,islamarkaasna olole ugu jira madaxweynenimada Soomaaliya uu ku dhaliilaayo dawladii kumeelgarka ahayd oo tabartadarnayd wax badan oo awood ah oo ay u madaxbaanaydna aysan jirin ,qudbadaas oo aan dhegeystay baa waxaa ku jirey qodobada hoose ku qoran asaga oo tilmaamaya in ay dawladu dhumisay fursado qaali ah oo soo maray,haddaba akhristayaal bal asaga oo mar kale kursiga damac uga jiro ila eega qodobada;-
-Dawladu waxay horseeday kala qaybsanaan shacbiga dhediisaa.
-Waxay soo nooleeysay hogaamiya kooxeedyadii oo ay abaabushay.
-Waxay dawladu dhiirigelisay maamulo gacan ku rimis ah oo aan shacbiga kalsooni ka haysan.
-Dawladu waxay danaha iyo aayakatalinta dalka u garabsaneysaa dawlado shisheeye.
-Dawladu waxay caburin iyo ishortaag ku samaynaysaa banaanbaxyada shacbku ku muujin lahaa dareenkooda siyaasada.
-Dawladu waxay halgab ka dhigtay axdigii ku meelgaarka ahaa sida golihii sharci dajinta.
-Dawladu waxay noqotay tan ugu musuqmaasuqa badan adduunyada.
-Dawladu waxay dhiirigelisay oo ku dhaqantay digtatooriyad.
-Dawladu ku ma dhaqanto islaxisaabtan iyo dabagal.
Waxaa xaqiiq ah in sagaalka qodob oo Xassan Shiikh ku beerdulucsaday dadka intii uusan soo korin kursiga wax ka jireen laakiin heerkooda ayaa aad uga hooseeyey sida maanta wax yihiin,markii la qaymeeyo waxay joogeen10% maantana waxay marayaan 100%,taas oo ka dhigaysa in sare u kacu uu gaaray 80%.Tusaale,hantidii ma guurtada ahayd ee ummadda ka dhexeesay sida dhulbanaan,dhismayaal,goobihii nasashada iyo iwm maxaa u danbeeyey ex.gurigii ummadda(ex.baarlamaan).lacagahii afarsano dalkaan soo galaay haba sheegin,waxaana maragmadoonta ah heer ilaaliyaha qaranka oo arimahaas waxbadan ka qabtay soona bandhigay in markii danbe uu saxaafada ku qanciyey wax kasta waxay ilagaleen Madaxtooyada waana dhaqaajin waayey.Gacan ku dhiiglayaashii harkii xildhibaanada ku laayey Maka Almukarama oo ciidanka kale eryaday ee madaxtooyada laysla galay oo sarkaal kii iyo ciidankii iyo gaarigiiba la aqoonsaday ,xeggee ku danbeeyeen,oo aan ahayn kuwii la tuhunsanaa ee xaqiiqda la kor istagay.
Haddaba baarlamanka soo socda oo Xassan sheikh ka robo in ay soo celiyaan inta maanta u taagan qormadaan waa u muhiim in ay kaydsadaan dalka inay haggaan bay u soo socdaane,kuwa hadda jira sidii uu ula dhaqmay oo yiri looma baahna oo arintii ay u fadhiyeen wareegto ku fuliyey shisheeyana gacan uga helay.Waxaa la mid ah kuwa baarlamaanka soo xkulaaya oo maanta gacmahooda masiirkii ummaddu ku jirto in ay hoosta ka xariiqdaan qodobadaan.Musharaxiinta la tartamaya dalkaan haddaanta ka siidhacaya,inay badbaadin karaan waa in ay bulshada u sheegaan waxa laga badbaadinayaana waa qodobada hoos ku qoran oo kursiga Xassan Skiih ku farestay dhammaantoodna uu asagu ku dhaqmay dalkana hadaan ku sii riday.wa bilaahi tawfiiq,dabaqabasho,W/QCabdullaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.