DAAWO: Gaadiid Dagaal oo lasoo gaarsiiyay Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

ciidan

Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa gaaray Gaadiid Dagaal oo loogu talagalay Militiriga Soomaaliya ee Gobolka Ku sugan.

Tirada gaadiidka oo lagu sheegay ilaa dhowr iyo toban gaari ayaa lagu wareejiyay Taliyaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka korneyl Sanka Cadow Cali,

Munaasabadda gaadiidka loogu wareejinayay Guutada Sagaalaad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa Goob joog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Gedo mudane Bakaal Kooke, Gudoomiyaha Degmada Garbaharay Nuur sheekh Maxamed Buraale iyo Saraakiil kasocotay AMISOMta Degmadaasi Ku sugan.

Gaadiidkani oo in muddo ah Ku xayirnaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa usbuucani waxaa soo jidmariyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaarsiiyay Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbaharay.

Horay Maamulka Axmed Madoobe ayaa isugu dayay in Gaadiidkani lagaa wareejiyo Gedo loona weeciyo Kismaayo, Balse arinkaasi waxaa ka horyimid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo Ku guuleystay ugu Dambeyn in Taliska Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaadiidkaas loo Gacan galiyo.

Dhawaan ayaa LA filayaa in hawl-gallo qorsheysan oo shabaab looga saaraayo Gobolka Gedo LA bilaabo, taasi oo looga goleeyahay in LA isku furo degmooyinka Gobolka oo dhamaantood kamaqan gacanta Alshabaab.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA GAADIIDKA

gadiddagaal (1)

gadiddagaal (2)

gadiddagaal (3)

gadiddagaal (4)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.