DAAWO: Gudigii Reer Ugaas Sharmaake ee loo Xilsaaray Arimaha Dhaqanka oo Go’aamo soosaaray, cadeeyeyna Ugaaska Rasmiga ah ee Beesha Sade

Kadib isqabqabsi muddo dhowr sano ah ka dhextafnaa hogaanka dhaqanka ee beesha Sade ayaa guddi ka kooban 21 xubnood oo beesha reer Ugaas sharmaake ah loo saaray xalinta iyo kala reebidda labada nin ee isku hayay hogaaminta dhaqanka beesha Sade.

21 xubnood ee beesha sade oo shaqeynayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa ugu dambeyn riday go’aanka rasmiga ah iyagoo cod gacan taag ah kukala reebay labada nin ee ilma adeerka ah ee isku hayay Hogaanka dhaqanka ee beesha Sade.

20 kamid ah gudigani ayaa u codeeyey in Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi si rasmi ah loogu boqray ugaasnimada beesha Sade halka hal cod oo kaliya uu helay Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi.

Gedo Times ayaa heshay liiska Magacyada Gudigga, iyo go’aanka gudigga oo faafaahin rasmi ah lagu baahiyay.

Maalmihii lasoo dhafaay ayaa mareegaha qaar lagu daabacayay qoraalo aan faafreebneyn oo warbaahinta qaar ay ujeedo kale kala haayeen taasi oo uu daba kariixayay saraakiil ka tirsan maamulka jubba oo caan Ku ah haleynta waxkasta oo hagaag qarka u saaran.

Hoos ka akhriso bayaanka saxiixan ee ay soosaareen gudigga loo xilsaaray turxaanbixinta arimaha dhaqanka ee Beesha Sade oo go’aamo wax Ku ool ah soosaaray.
received_942632532502651

received_942632525835985

received_942632529169318

1 Comment

  1. WALAHI WAA WAX LAGU QOSLO WAXA MEESHAAN KU QORAN SABABTOO AH MARKAAD AQRISO QORAALKAAN WAXAAD KA DHEX ARKAYSAA AMA KU ARKAYSAA 1- IN AY SHEEGEEN WAXAANU KA HADLAY NAY DHAQAALE IYO MIDNIMO ?? 2- UGAASNIMADIINA WAAN KU DARNAY HADALKEENI 3 – WAXAY KALOO SHEEGEEN XARIIR AYAAN LA SAMAYNAY DADKII AAN KALA BIXINAY NAY AYAGOO GOOBTA KA MAQAN !! ( There is no face to face !! )4 – GACANTAAG COD AHNA WAAN SAMAY NAY 20 IYO 1 AYEY KALA HELEEN RAGII KALA MAQNAA EE AAN KALA SAARAY NAY !! 5 IYO JUBBA LAND OO AY EE DEEYEEN MARKA MAXAA KUU BAXAY AQRISTOW ? ALLAH AYAN KU DHAARSHAYE WAXAAS OO KALE MA WAX LA SOO QORAA AMA GUDDI LAGU TILMAAMI KARAA !! FIIRO GAAR AH MARKA 1- KOOBAAD DHAQANKA SADE YAA LEH EE MEEL HA OGA DHICINA MARKA 2 – LABAADNA BEESHA REER UGAAS SHARMAKE CEEB HA U SOO JIIDINA ILAA UGAAS SHARMAKE OO DHAN IDIINMA DIRSAN ARINTAAN GUDDINA IDINKAMA DHIGAN 6 – CADAALADANA MEEL HA OGA DHICINA !! 7 – BEESHA RER UGAAS SHARMAKE WAA KA BADAN YIHIIN DEEGAANADA AMA MEELAHA AY DAGAAN DAL IYO DIBADBA INTA AAD KU SHEEGTEEN ADINKU QORAALKAAN FOOSHA XUN EE LA SOCDA SIDAKALE ANAGU RUNTII WAANU IDIIN SOO JAWAABI KARNAA XAGA ( MEDIA ) AMA WEB SAYDYADA LAAKIINSE WAA IN LAGA XISHOODO WAXA QAARKOOD N/B WALALAYAL SAL IYO RAAD MIDNA MALEH WAXA MEESHA KU QORAN EE SOO BAARA ADINKUBA LA IDIN KAMA XIGEE WABILAAHI TOWFIIQ. ….

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.