Kowda Luulyo iyo Murugada Maanta ee Soomaaliweyn!!!! By C/laahi Jimcaale

jim

Maanta waa kowdii Luuyo runtii iima qorshaynayn i aan wax ka qoro waxaa isoo jiitay baaq uu baahiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Pro.Maxamed Sheekh cismaan Jawaari kuna aadanaa xuska kowda Luuyo maalinta xoriyada iyo midnimada Soomaaliya.waa maalin qalbiyada qof kasta oo Soomaali ah oo damiir leh ku qoran kuna qornaan doonta.waa maalin ay Soomalida u tahay xusuus rayrayn iyo farxad leh,cadawga ummadda Soomaaliyeedna ka naxo marka uu maqlo.
Wuxuu gudoomiyuhu carab dhabay dadka kala qaybinta ,isku dirka,kala dilida ,isnacaybka iyo kala fogaynta ummada Soomaaliyeed ka shaqeeya had iyo jeer,wuxuuna ku booriyey dhammaan shacabka in laga wada shaqeeyo midnimada Soomaaliwey!.Waa eri aan masuul Soomaaliyeed laga maqal waayadaan,waxaa igashay qiiro huwan caadifad wadaniyadeed,ilaamaa iga soo booday,waana jiriiracooday,markaas baan is iri hadal baa kuu furan ee wax qor oo waxaan deg deg u milicsaday qaymaha ereyga Soomaaliweyn sida cadawga dalku hadaan dheer ugu riday oo ayaan darada annaga ayaa nala ka adeejiyey oo inta naloo yeriyey la yiri ficilka idinku fuliya,taariikhdii iyo sharaftiinii idiku xabaala,bal in ay saas tahay ila eega arimhaan;-
-Laba af baad leedihiin(istaag,roogso iyo suran)haddii laba af ka dhignay waxaa soo socda waa saddex af ama ka badan.
-federaal qabyaaladaysan oo tastuurka KMG ah ku qoran ,dhuudhuub baa naloo geliyey oo waxaa qoran wuxuu hirgalayaa marka umaddu qof iyo cod loo codeeyo iyo inta is rabta oo israacda,bal eega intan codayn la gaarin baa khasab lagu hirgaliyey,haddana dad aan israbin baa laysku qasbay oo la yiri khasab isku raaca,sow marag madoonto maaha khilaafka ka taagan afarta maamul oo rabitanka dadka aan ku imaan oo iminka dhisan iyo kuwa hadda faraha lagula jiro oo kaba siidaran.
Waa qorshe cadaw xukuumad,baarlamaan iyo shacaba waa nala ku fuliyey wax annaga aan keenay maaha nooca federaalka naloo dhisay marka laga reebo in uu qabyaladeysan yahay lama yaqaan,wax laga fiirsaday oo xataa la yiri federal noocaas ah aan dhisano ma jiro,hadde sow kala bixiwaa iyo weligiin qoorta iskula jira maaha?
Ugu danbayn waxaan hadalka ku soo gabagabeynayaa ninkii Soomaaliweyn rajo ka qaboow labada qodob oo aan kor ku soo sheegay ka dagaalan oo diid,masuuliyada koowaad waa baarlamaanka ,tan labaad waa xukuumada iyo tan sadexaad oo ah shacbigu in uu indhaha furo oo ayaga kula xisaabtamo halka ay ku wadaan arimaha ummadda.waxaa qoray cabdullaahi Jimcaale Faarax
.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.