Axmed Ismaaciil Samantar Aqoonyahan Lagu hungoobey By C/laahi Jimcaale

jim

Waxay ahayd 7 dii iyo 8 dii bishaan Juun ee Aan ku jirno 2016 oo barnaamijd isku mid ah aan ka daawaday HUCK tv .waxay ahayd oo uu jilayey Axmed Cismaaciil Samantar.Qol shirarka loogu talagalay oo aad loo qurxiyey iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo muuqaalkoodu aad kuu soo jiidanaayo ayaa buuxdhaafiyey ,laakiin Axmed Ismaaciil Samantar buu ku jilaayey riwaayad qaawan oo ceeb ku ah,dhaqanka iyo taarikhda ummada Soomaaliyeed .

Dhalinyaradu waxay ahaa yeen ku qurbaha ku koray ama kuba dhashay oo aan waaya aragnimo habayaraatee u lahayn waayadii is bebedelay ee Soomaaliya iyo taariikhdeedii lama iloowaanka ahayd sida Waqtigii Axmed Gureey.Siyid Maxamed Cabdille Xasan,SYL iyo SNL iyo Kacaankii 21kii Octoobar1969.

Guulihii is dabajooga ahaa oo halgankaas lagu soo hooyey iyo masiibada burburisay qarankii Soomaaliyeed baa looga fadhiyey aqoonyahan Axmed inuu dayartta Soomaaliyeed hogatusaaleeyo,laakiin damaciisii siyaasadeed oo ku aadanaa Soomaaliweyn oo uu ku guuldarestay in uu qiil u raadiyo midka hadda ku ira oo ku wajahan beel iyo gobolna uu qiil u raadiyo ayuu riwaayad ugu jilay dhalinayaro Soomaaliyeed oo aan garan Karin waxa ku dhacay qarankoodii sharafta badnaa oo aduunyada caanka ka ahaa iyo magacxumada la soo daristay dalkooda iyo dadkooda.

Marka aan eegno barsafoor Axmed iyo kuwa kale ee la mid ah oo shirar badan aan arkay ayaga oo leh Soomaalidu isma aamini karto ayaga oo u kabagelinaaya kala googo iyo sii kala tag intii ay xal raadin lahaayeen ayaga oo isku duuban,ayaan waxaan is weydiiyaa aqoonta dadka aduunyada waxbay tartaa ee aqoonyanka soomaalida maxay u kordhisaa?

Axmed wuxuu xabaal ku duugayey taariikhda ummada Soomaliyeed,26kii juun 1960 iyo 1dii luulyo intuu dobool saaray buu qurxinaayey 18ka May,da,da iyo aqoonta lagu tibaaxaayo sow ceeb kuma ahayn.Axmed wuxuu sheegay in uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre AUN uu ku yiri(taariikhdaada waa dhamaatay oo gabalkeedii waa dhacay ee adiga iyo caa,ilaadaadu iskaga baxa dalka inta aysan gacantaada ku burburin,asaga oo qiray in Mogadishow Casiimadaha Afrika laga kormariyey hargaysa oo daabiyad ahayd casiimad loo ekeeysiiyey.In kasta oon filaayo inta horfariistay Jaalle Maxamed Siyaad in Axmed saas ku yiri in aysan dhicin.wxaan Axmed weydiin Jaalle Siyaad tag tiriyey yaad kula talisay in uu u dhiibo oo uga tago?Waxaa kale oo uu soo qaaday qoraalkii kooxdii maanasfeesto ahayd, waa jirtay .Axmadow waa su,aal kale ee hadduu yeelo Soomaalidii gacanta ku haysatey hubkii dalka yiilay iyo kuwii cadawgii soo jreenka ahaa soo hubeeyeen oo xabada ridayey ma heshiin lahaayeen oo burburka waa laga baaqsan lahaa miyaad dadka Soomaliyeed iyo dhalinyarada ka dhaadhicineysaa haatan? Dadkase aan weydiiyee nin weyn oo wax yaqaan garashadi ma tahay? Intaas aan ku daayo.
Magacaygu waa Cabdullaahi Jimcaale,jooga London Emailkaygu waa Saanyar30@hotmail.com.tel.07572336192,Axmed iyo Soomaalida Naqdin baa u furan

1 Comment

  1. s/c,Runtii waxaa nasiib daro ah in raga siyaasiyiinta sheegta ee ismooda in ayagu dadka ugu caqli badanyihiin waayo aragnimo iyo general knowledge dadka dheeryihiin in ay had iyo jeer meel waalan reerka u raraan,garana la yihiin meesha wax ka qaldameen ama ka qaldanyihiin,maxamed siyaad allaha u naxariisto 21sano ayuu mootan yahay,dowladihii yurub ee iska dilaya 60 milyan dad ka badan dagaalkii 2aad ee dunida 45tii markuu dhamaaday dagaaliik 25sano ka dib dunida ayeey maamulayeen oo waxsoosaar iyo horumar dunida ayagaa ugu hormaray,marka tan ula jeedo aya ah war 25 sano maxaa wax u sixi ladihiin hadii aad niman maskax leh tihiin oo umada dhibka aad galisen uga saari weydeen,tan kale jaale siyaad dowladiisii markeey 8 sano jirtay somali galbeed oo dhanbeey dib u hanatay adinkuna wali jaale siyaad ayaa qaladkaan na baday baad ku haysan,taas maahee adeer shisheeye shalay kuu adeegsaday in aad dalkaagi burburiso ayaad maanta u daba fadhidaa in uu kuu dhiso taa macquul makula tahay ninkii shalay dumiyey in maanta kuu dhiso,waxaan daawanayey beesha hargeeysa iyo burco oo leh amaxaara na xasuuqday adeer shalay markeey qarankaagi kugu burburinayeen miyaadan ogeeyn sheekadu in ay noqndoonto sadexdii dibi miyaadanse ogeeyn shalay markeey madaxdiinu lahaayeen Inanka muqdisha iyo kan adis waxaa na xiga kan adisabeba,soomalidu maankoodu waa intaa,calaa yaxaal waxan umadan kula talinlahaa ama u shegi lahaa in aan ogahay meesha wax ka toosi la,yihiin hadaad adinku garan weydeen,WAA TII ALLE OO AAD KA LEEXATEEN,socialism capitalism and communism ayaad ka dhamaan la,dihiin oo ah mabda,yo gumaystihii gaalka ahaa keensaday kana fog tii alle,waana taa tan caalmka islaamka maanta eeday ee nimanyahow garashada iyo caqliga alle wuxuu inoo siiyey in aan wax kala garano ee diinta aan ku dhaqano,cadowgeenana daba oradkiisa iyo diyaarad raac shaxaad doonasho wollahaan qaran ku dhismeeyn cayaarta ka daaya dalka iyo dadka the so called siyaasi.wswrwb.

Leave a Reply to maxamed somali Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.