TOP News: Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka warbixiyay Sababaha uu u soo Magacaabi la’yahay Golihiisa wasiirada.

madoobe

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay caqabadaha ku hor-gudban soo dhisidda gollaha wasiiradiisa.

Madaxweynaha oo maanta khudbad u jeediyay baarlamaanka Jubbaland oo u soo dhammaada kal-fadhiggoodii koowaad ayaa sheegay in ay jiraan wax yaabo badan oo caqabad ku ah soo magacaabiista gollaha wasiiradiisa balse dhawaan uu ku dhawaaqi doono.

“Inta aad fadhideen maamulkii dowladdana waa uu fadhiyay, waa la iga sugayay gollaha wasiiradda muddo aad u dheer oo aan u maleenayo in seddax jeer aan ka codsaday baarlamaanka muddo kordhin, waxa sababayey idinkana idinku hayay waxa ay ahayd waxaa billowgii ugu horreeyay aan ku billownay dowladda aan dhiseeno iyo gobalkan waxa aan ka rabo ay tahay dib u heshiisiin, Ummad aan heshiis ahayn oo aan la isku keenin, aan mideesneen, aan isku ujeedo ahayn waay adagtay in ay wax isku darsato oo geedi isla dhaqaajiyo oo meel gaarto”ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeen xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ugu baaqay in muddada ay fasaxa yihiin ay booqdaan deegannada laga soo xulay maadama xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland soo xulistooda lagu saleeyay qaab degmo.

‘Waxaan baarlamaanka u rajeenayaa guul fasax baad galeysaan, fasaxa aad galeysaan waxaan oran lahaa degmooyinkii aad mataleyseen maadama qaab degmo la isku soo xulay waa in kii aadi karaa uu tagaa uu dadka soo booriyaa, kii aan tagi meesha la heesto waa in uu tagaa meesha uu gaaro, waa in wanaaga aad gudbino”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Si kastaba, hadalka madaxweynaha ayaa immaanaya iyadoo dhawaan xildhibaannada baarlamaanka Jubbaland ay markale u kordhiyeen madaxweyne Axmed Madoobe waqtiga uu ku soo dhisi laha xubnaha gollaha wasiiradiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.