Dhageyso:Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlay qodobo dhowr ah-Sawirro

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, booqashadii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddu ku tagey dalka Talyaaniga iyo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugu horayntii Wasiirka amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoona tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, wuxuna sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhex-marey Ciidamadda Puntland iyo Kooxda Al-shabaab. Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu boggaadiyey Ciidamadda Puntland sida geesinimada leh ee ay dagaalka ula galeen Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in Talyaaniga ay kala hadleen sidii maalgashi loogu sameyn lahaa Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay booqasho labo maalin oo uu ku tagey magaalada Beled-weyne in odayaasha deegaanka uu kala hadlay ka qeyb galka shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe.

 

14 12 13

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.