Deg Deg:- Galmudug oo Dagaalka ka socda Bariga Gobolka Mudug ku qabtay Maxaabiis Shabaab ah

Wararka ka imaanaya Bariga Gobolka Mudug Ee Galmudug oo uu ka soconayo Dagaal u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug ay halkaa ku dileen in ka baxan 10 Shabaab ah islamarkaana ay ku qabteen 10 kale oo Shan Dhaawac ah ay ku jiran.

Dagaalka ayaa Xoogiis ka dhacay Tuulooyinka Jiray iyo Galhagoog oo dhaca Bariga Gobolka Mudug hoosna taga Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Sidoo kale ay ku Hareereysan yihiin Rag ka tirsan Shabaab oo halkaa ay kula Dagaalameen Ciidamada Galmudug.

Lama Oga wali Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Maamulka Galmudug inta uu la eg yahay.

inkasto Al- shabab Dhinacoda aysan Qiran Qasaraha Maamulka Gal- Mudud uu Ka Shegayo Dagalakii Maanta Ka Dhacay Degaanaad Ay Ka Arimeyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.