Kenya oo sheegatay in 21 Shabaab ah ay ku dishay Afmadoow

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya oo la yiraahdo  David Obonyo ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay meel u dhaw degmada Afmadow ee koofurta Soomaaliya in looga dilay 2 askari 5 kalena loo dhaawacay sida uu yiri.

Afhayeenkaan u hadlay ciidamada Kenya waxaa uu sheegtay in dhankooda ay dileen 21 dagaalame oo Al-Shabab ka tirsan.

David Obonyo waxaa uu sheegay in dagaalku uu dhacay mar wadada loo galay kolonyo ay wateen ciidamo Kenyan ah oo marayay gobolka Jubbadda hoose waxaana xusay inay iska difaaceen oo ay jabiyeen dagaalamayaasha Al-Shabab ee wado galka sameeyay.

Shant askari ee kaga dhaawacantay weerarkaas ayuu sheegay in loo qaaday xarumo caafimaad oo Nairobi ku yaala waxaana uu sidoo kale sheegay in markii horeba ciidamadoodu feejignaan ku jiray.

Hub iskugu jira qoryaha fudud ee AK47 bambaanooyin baskoolado iyo qoryaha baasukaha la yiraahdo ayuu sheegay inay ka furteen Al-Shabab.

Al-Shabab dhankooda waxay sheegteen in weerarkaasi ay ku dileen in ka badan 10 askari oo Kenyan 2 kalena ay maxaabiis ahaan u wateen.

Sidoo kale Al-Shabab ayaa sheegtay inay gubeen gaadiid ay wateen ciidamada Kenya.

Ma jiro warar ka madax banaan sheegashada labada dhinac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.