Dhageyso: Putland Maxaa Ay Ka Tiri Dagaalka Garcad Ka Socdo.

Faah-faahin hor dhac ah ayaa ka soo baxaya Dagaal u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ka soconaya Tuulada Takarleey oo hoostagta Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaallkaasi ay Puntland ku gacan sareeyso sida laga soo xigtay Dadka degaanka.

Saraakiil  ka tirsan Ciidamada Puntland ee Dagaalka Takarleey Hogaaminaya ayaa laga soo xigtay in Dagaalka Saaka Al-shabaab looga dilay ilaa 19 Dagaalame oo ka mid ahaa kuwii Dagaalka la galay Ciidamada Puntlanad.

Inkastoo uu wali soconayo Dagaalka dhexmaraya Puntalnd iyo Al-shabaab ayaan waxaan la ogeyn Khasaaraha soo gaaray Ciidamada Puntland ee Shabaab la dagaalamaya.

Degaanada Saaka lagu Dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in Al-shabaab laga riixay,iyadoo wali ay socoto Rasaas goos goos ah.

Puntland ayaa Maalmahaan dagaal kula jirtay Al-shabaabka gaaray Xeebaha Koofureed ee Gobolka Nugaal,iyadoo shalay Shabaab laga saaray Toga Suuj ee Gobolka Nugaal ee Puntland.

Marka laga Soot ago Sheegashada Guulaha Puntland ay ka gaareen dagaalkaasi ma jiro ilo ka madax banana Puntland oo xaqiijiyano Al Shaabna wali kama aysan Hadlin

Halkaan Ka dhageyso:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.