Madaxweynaha iyo beesha caalamka oo ka wadahadley daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya-Sawirro

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, oo uu kala hadlayey daryeelka iyo taageerada ciidammada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay wakiilladaasi caalamiga ah doorka ay ka qaadanayaan taageerada ciidammada Soomaaliya iyo dib u dhiskooda, isagoo sheegay in taageeradaasi ay muhiim u tahay in ciidammada qaranka ay si dhib la’aan ah mustaqbalka dhow ugala wareegaan AMISOM sugidda amniga waddanka.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya, danjire Michael Keating, danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta, Maxamed Al Cusmaan, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone D’ Urso, danjiraha Britain, Harriet Mathews, iyo danjiraha Turkiga, Olgan Bekar, oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa dowladda Soomaaliga ku bogaadiyey dadaalka iyo hoggaanka hufan ee ku aaddan barnaamijka nabadgelyada qaranka iyo dib u dhiska dalka.

Wakiillada ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dib u dhiska ciidammada qaranka.
Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca amniga ee dalka ka jira iyo xoojinta hawlgallada lagu cirib-tirayo kooxaha nabad-diidka.

6 1 2 3 4 5

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.