Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo Diyaarado Hub ah u dirtay Puntland

Iyadoo Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay gaareen Xeebaha Koofureed ee Puntland ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay Puntland u direen Saanad Milatari oo loogu talo galay in Puntland kula Dagaalanto Al-shabaab.

Warar aan ka helnay Ilo ku dhaw Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa noo sheegay in Labo Diyaaradood oo Hub sida Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay u direen Puntland,kuwaas oo la filayo in isla maanta ay ka dagaan Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Hubka Dowladda Soomaaliya ay u dirtay Puntland ayaan la xaqiijin inta uu le eg yahay iyo Nuucyada uu yahay.

Inkastoo aan wali Dowladda federaalka Soomaaliya ka hadlin Diyaaradahaasi sida Saanadda Ciidan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa Arrintaan Xilli Shalay ilaa maanta Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab uu dagaal ku dhexmarayo Degaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dhanka kale Puntland dhinaceeda wali kama hadlin Wararka sheegaya in Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay Labo Diyaaradood oo Hub ah ay u direen Puntland.

Laakin War  goor dhow uu Helay Gedo times ayaaa Shegayo in Garoonka miqdisho Laga Daremayo Qaban qabada Diraayada Loo dirayo Putland .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.